Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga oo si adag uga hadlay dagaallada ka socda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay 

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay dagaallada iyo xaaladaha ay wajahayaan dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

“Gobolku waxa uu marayaa xaalad adag, oo aan innagu aragno dagaallo u dhexeeya walaalaha Suudaan, Soomaaliya, Liibiya, Yemen iyo Afgaanistaan”. ayuu madaxweyne Erdogan.

Dhanka Qasa waxa uu sheegay, in la gaaray heshiis xabbad-joojin ah, welina waa uu socdo, inkastoo ay Israa’iil isku dayday inay burburiso heshiiskaas, ayadoo dhiirigelin ka dhiganaysa reer waxa uu ku tilmaamay koolkoolinta galbeedka.

Erdogan ayaa intaas ku daray in dalka Suuriya oo kacaanka 14 sano ku dhowaad socday soo afjaray xukunkii keligii taliska in ay jiraan kuwo isku dayaya in ay huriyaan colaado diimeed.

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this