Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo jawaab yaab leh ka bixisay bayaankii xildhibaannada mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaannada-Mucaaradka.jpg?fit=1080%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si yaab leh ugu jawaabtay bayaankii maanta kasoo baxay xildhibaannada mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada la badbaadiyo, sida ay sheegeen.

Xildhibaannadu waxay sheegeen inay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, taasoo ay ku eedeeyeen inay laashay dastuurka dalka, islamarkaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday.

Jawaabta Dowladda

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo u jawaabay xildhibaannada mucaaradka, ayaa weerar culus ku qaaday, isagoo ku tilmaamay “Af Khawaarij,” oo sida muuqata ula jeeday inay xubnahan yihiin “Shabaab kalkaal.”

“Afhayeenada Khawaarijta kuwaba maalin ayay ku qoran yihiin, balse waa isku ajande, magacooduna waa Af-Khawaarij,” ayuu Al-Cadaala ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Kuwa ku qornaa kaltanka maanta miyaa yiri aan buuqno si culaysku uga yaraado Khawaarijta duurka ku go’doonsan?”

Inkasta oo Al-Cadaala uu iska indho tiray eedeymaha ku xusnaa bayaankii maanta kasoo baxay xildhibaannada mucaaradka, haddana waa jawaab lama filaan ah, maadaama xildhibaannadu ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe lasoo warinayay inay si weyn u dhibsadeen dhaliilaha uga imaanaya mucaaradka, kuwaas oo waayahan dambe culeys saaray.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka noocaan ah ayaa kusoo badanaya siyaasadda Soomaaliya, kaasoo loo arko mid halis ah, maadaama koox walba tan ka aragtida duwan ku shaanbadeyso “Shabaabnimo,” xilli dalka uu ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxdan baneysatay dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

The post DF oo jawaab yaab leh ka bixisay bayaankii xildhibaannada mucaaradka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this