Deeq A. Posted 21 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga lixaad, kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaasi oo lagu ansixiyay saddex hindise sharciyeed. Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Cabdullaahi Abshirow, ayaa ku furmay kooram dhan 143 xildhibaan. Ajendaha kulanka ayaa ahaa: Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, Akhrinta saddexaad iyo u codeynta sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada. Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyntii ansixiyay sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, laba xildhibaanna way ka aamuseen. Sidoo kale, mudanayaasha golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, hal xildhibaanna wuu aamusay. Ugu dambayntiina, mudanayaasha golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedyadan, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulamada guud ee golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakaysan ee Ramadaan.The post BF oo maanta ansixiyey 3 sharci oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites