Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo maanta ansixiyey 3 sharci oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaanada.jpg?fit=1680%2C1120&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga lixaad, kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaasi oo lagu ansixiyay saddex hindise sharciyeed.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Cabdullaahi Abshirow, ayaa ku furmay kooram dhan 143 xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa:

  • Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda,
  • Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska,
  • Akhrinta saddexaad iyo u codeynta sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyntii ansixiyay sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, laba xildhibaanna way ka aamuseen.

Sidoo kale, mudanayaasha golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, hal xildhibaanna wuu aamusay.

Ugu dambayntiina, mudanayaasha golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedyadan, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulamada guud ee golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakaysan ee Ramadaan.

The post BF oo maanta ansixiyey 3 sharci oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this