Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo muhiim ah oo maanta ka dhacay xafiiska RW Xamza + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
484336246_1001736918722121_5910604263036

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre ka dhacay kulamo muhiim ah, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay qaar ka mid ah wakiillada caalamka.

Mudane Xamza ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

Kulanka Swan iyo Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan, iyagoo ka wada-hadlay wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taageerada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSOM).

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in dowladda ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo la xiriira dimuqraadiyeynta, horumarka, iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah uga mahadceliyey taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga, iyo geeddi-socodka nabadda.

Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Danjiraha Sudan?

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isla maanta qaabilay Danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh.

Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Suudaan markii dhibaatooyinku ka dhaceen dalkaas.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ballan-qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaagaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa walaalaha Suudaan uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalku soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Suudaan.

Wuxuuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Suudaan.

483105074_1001736858722127_8547772278721

484336246_1001736918722121_5910604263036

484367734_1001736872055459_6028952481622

483064218_1001736932055453_8356468890934

484279556_1001764645386015_5680174432273

483102656_1001764708719342_7775638120318

482353894_1001764722052674_6634667958883

480491085_1001764658719347_8002313996135

The post Kulamo muhiim ah oo maanta ka dhacay xafiiska RW Xamza + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this