Deeq A. Posted 17 hours ago Beniin. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa beenisay qoraal xalay lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in marwo Shugri Baandare ay hambalyeysay Guddoomiyaha Xisbiga KAAH oo ay ku sifaysay inuu ahaa masuulkii riday Xukuumaddii KULMIYE. Marwo Shugri Baandare , ayaa sheegtay in warkaasi laga qoray uu yahay been-abuur aan sal iyo raadtoona lahayn, isla maarkaana aanay jirin meel ay ka hadashay oo arrintaasi ka sheegtay. Waxayna xustay in xiligii ay xilka haysay aanay inta badan ka hadli jirin arrimaha siyaasadda, balse ay ku koobnayd arrimaha shaqadeeda, hadda aanay xil haynina aanay jirin sabab ay u arrimo siyaasadeed uga hadasho. Marwo Shurgi Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa warbaahinta uga digtay inay iska hubsadaan faafinta wararka been-abuurka ah ee aanay waxba ka jirin. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites