Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon la dagaalamay Shabaab-kii Hotelka galay oo xog culus bixiyey (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   
00-BELEDWEYNE-NEW-BROLL_17530784.00_00_0

Beledweyne (Caasimada Online) – Nabadoon laga soo badbaadiyay weerarkii saaka ay Al-Shabaab ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Beledweyne ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in muddo dheer uu dagaallamay, ugu dambeyntiina uu naftiisa badbaadsaday isagoo dhaawac fudud qaba.

“Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca Leylo ah oo qarax ay ku soo rareen. Kadibna, waxaa gudaha hotelka soo galay rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri.

Nabadoonkan ayaa sheegay in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse uu jiro qof kale oo is qarxiyay markii ay cabbaar dagaallamayeen. Wixii qaraxa labaad ka dambeeyay ayay u suurtagashay inay rag badan ka dilaan kooxdii weerarka soo qaaday.

“Aniga dadkii soo jeeday ayaan ka mid ahaa, kitaab ayaan akhrisanayay, wax yar kadibna waxaan rabay inaan baxo, balse waxaa billowday weerarkan. Waxaan ka mid ahaa raggii dagaallamay, dhibaato badan iyo dagaal culus ayaa ka dhacay hotelka. Markii ciidanka dowladda ay howlgalka soo galeen ayaan isaga baxay goobta,” ayuu yiri.

Odaygan ayaa sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka, isagoo intaas ku daray in rag badan dhinteen, inkastoo uusan sheegin tiro rasmi ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaan dagaalyahannadii Shabaab ee weerarka soo qaaday la laayay, balse ay weli nool yihiin labo ka mid ah oo gudaha hotelka ku dagaallamaya, kuwaas oo ciidamada ammaanka ay ku howlan yihiin sidii loo afjari lahaa.

“Weli howlgalka waa socda. Labo kamid ah ragga weerarka soo qaaday ayaa weli dagaallamaya. Markii lasoo afjaro ayaan warbaahinta xog rasmi ah siin doonaa,” ayuu yiri mid ka mid ah nabadoonnadii hotelka deganaa oo maqribkii la hadlay warbaahinta.

Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerar qarax ku billowday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos-goos ah laga maqlayay gudaha hotelka, halkaas oo ay hareereysan yihiin ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal, iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Hoos ka daawo

The post Nabadoon la dagaalamay Shabaab-kii Hotelka galay oo xog culus bixiyey (Daawo) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this