Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo mileeshiya-beeleedyo ka abaabulaysa Garoowe iyo Boosaaso si ay u fashiliso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1741771854213.jpg?resize=720%2C48Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay ku hawllan tahay fashilinta dagaalka Puntland kula jirto dagaallamayaasha Argagixisada Daacish.

Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeediyay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh in ay mileeshiya-beeleed ka abaabulayaan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, si ay qalalaase uga sameeyaan Puntland.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintaasi oo ka soo jeeda Puntland ay Garoowe Boosaaso ku diyaarsadeen mileeshiyaad qabiil, oo uu mushaar ugu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay qalalaase u sameeyaan oo loo xagal-daaciyo dagaalka Puntland kula jirto kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

“Intii uu socday Dagaalka Daacish waxaa jira mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Xasan Shekh oo abaabulay mileeshiya-beeleed lagu uruurinayo Bosaso iyo Garoowe. Mas’uuliyintaasi waxay saxiib dhow la yihiim Madaxweyna Xasan Shiikh, halkii Dagaalka Daacish Taageera laga sugayay Madaxweynaha waxa uu ku abaal mariyay mas’uuliyiintaas in uu Ku daro mileeshiya beeleedka Bayrolka Ciidamada Xooga dalka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Faarax Mire.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo mileeshiya-beeleedyo ka abaabulaysa Garoowe iyo Boosaaso si ay u fashiliso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this