Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo shahaado siiyay ururkii u horeeyay xilli mucaaradku diiday

Recommended Posts

Deeq A.   
483510107_955359646776669_79831099469211

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyay ururka Midowga Soomaaliya.

Guddigu wuxuu sheegay in ururkan uu soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, iyadoo munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka lagu guddoonsiiyay shahaadada ururnimo.

Kulankii shahaadada lagu guddoonsiiyay ururka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka, Saadiq Abshir Garaad, iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Diiwaan-hayaha Guddiga, Maxamed Cumar Axmed Xaydara, oo ugu horreyn ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyay ururka maanta qaatay shahaadada iyo hab-raacyadii uu soo maray.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Midowga Soomaaliya, Dr. Maxamed Deeq Sh. Maxamed, oo shahaadada guddoomay, ayaa ammaanay guddiga, isagoo sheegay in ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed shaqo wanaagsan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, oo shahaadada guddoonsiiyay ururka, ayaa sheegay in ururka Midowga Soomaaliya maanta la guddoonsiiyay shahaadada rasmiga ah ee ururnimo, taasoo ka dhigan in uu yahay urur la aqoonsan yahay oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in ay jiraan ururro kale oo soo dhameystiraya shuruudaha looga baahan yahay, kuwaasoo hadda ku jira marxaladdii ugu dambeysay.

Guddoomiye Cabdikariim ayaa sidoo kale sheegay in dalka uu u socda doorasho qof iyo cod ah, taasoo si xor iyo xalaal ah loogu tartami doono.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo mucaaradku si adag uga horyimid habka loo xulay iyo howlaha doorasho ee ay wadaan, ayaa weli wajahaya caqabado siyaasadeed.

Diidmada mucaaradka

Guddigan oo la dhisay bishii November ee sannadkii hore, ayaa tan iyo markaas la kulmay diidmo xooggan oo kaga timid xisbiyada mucaaradka, kuwaasoo qaarkood ay hoggaaminayaan madaxdii hore ee dalka.

Ujeedka guddigan ayaa lagu sheegay in ay dalka ku hagaan doorasho ku saleysan axsaab iyo qof iyo cod, balse mucaaradku waxay ka biyo diideen hanaanka loo maray dhismaha guddigan iyo doorashada la qorsheynayo.

Mucaaradka ayaa u arka qorshaha doorashada qof iyo cod mid uu hoggaanka hadda jira ku doonayo inuu xukunka ku dheereysto, iyagoo ku eedeeyay in wax ka beddelka dastuurka lagu meel mariyay si juujuub ah, arrintaasna ay qeyb ka tahay muranka doorashooyinka.

Dhankooda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ayaa si weyn ugu adkeysanaya hirgelinta doorashada qof iyo cod, hase yeeshee weli lama oga sida uu qorshahan u shaqeyn doono, maadaama ay dalka ka dhici karto oo keliya doorasho wadar ogol ah sida ku xusan sooyaalka dambe ee siyaasadda Soomaaliya.

The post Guddiga doorashada oo shahaado siiyay ururkii u horeeyay xilli mucaaradku diiday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this