Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray weerarkii Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali-Guudlaawe.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay maanta kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo “oo ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan, taas beddelkeedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.”

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha  maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si loo soo afjaro kooxda, “Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.”

Howl-galka Shabaab oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, ciidanka xoogga dalka iyo xaq-u-dirirka deegaanka ayaa guud ahaan ka socdo Hirshabeelle, waxaana uu madaxweynaha sheegay in si weyn u naafeeyay damaca argagaxisada ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga maamulka Hirshabeelle sida ay u toogteen maleeshiyaadka khawaarijta ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Weerarka maanta oo kooxda Al-Shabaab ay ku beegsadeen hoteel ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne oo lagu magacaabo Qaahira, ayaa marka hore ku bilowday qarax.

Dhismaha la weeraray ayaa la sheegay inuu ka socday abaabul xoog leh oo ku aaddan dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Hoteelka la beegsaday ayaa waxaa ku sugnaa odayaal dhaqameed iyo saraakiil qeyb ka ahaa abaabulka howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku dhintay weerarkaas Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle iyo Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax oo kamid ahaa odayaashii kulanka uga socday halkaas.

Sidoo kale waxa weerarka ku geeriyooday Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa. Tiro kale oo dad ahna ayaa ku dhaawacmay.

The post Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray weerarkii Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this