Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo xabsiga dhigay eedaysane loo haysto in uu suuqa Garoowe ku dhex jirdilay wiil yar oo Yemeni ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1741722625061.jpg?resize=720%2C72

Ciidanka Booliska Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay maanta xabsiga dhigeen eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur Faarax loo haysto in uu jir-dil ku sameeyay wiil yar oo Yemeni kaasi oo uu ku dhex garaacay suuqa INJ ee magaalada Garoowe.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay eedaysane lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, isagoo si xun u jirdilaya ilmo yar suuqa magaalada Garoowe.  Eedeysanaha ayaa magaciisu yahay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka hordhaca ah oo ay sameeyeeen uu caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga, Sidaas darteed waxay sheegeen in uu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar.

“Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garoowe.”

“Ciidanka Boolisku, iyagoo fulinaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayaa degdeg uga falceliyey dhacdadan, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si sharciga loola tiigsado” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

Ciidanka Booliska ayaa caddeeyay in dhammaan sharciga la marsiin doono cid kasta oo ku lug leh falal ka hor imaanaya xeerarka iyo anshaxa Ciidanka, kana dhan ah ilaalinta xuquuqda shacabka. Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in uu xoojiyey dadaallada la dagaallanka cid kasta oo si khaldan u adeegsaneysa dharka iyo magaca Ciidanka.

PUNTLAND POST

The post Booliska Puntland oo xabsiga dhigay eedaysane loo haysto in uu suuqa Garoowe ku dhex jirdilay wiil yar oo Yemeni ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this