Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland socdaal ku tagay gobalka Saaxil

Recommended Posts

Deeq A.   

img_8_1741719626312.jpg

img_7_1741719609711.jpg

img_11_1741719678717.jpg

img_12_1741719696547.jpg

img_13_1741719713700.jpg

img_14_1741719731078.jpg

img_15_1741719747352.jpg

img_16_1741719781612.jpg

img_9_1741719645780.jpg

img_6_1741719590026.jpg

img_4_1741719530296.jpg

img_10_1741719663037.jpgTaliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa maanta socdaal muhiim ah ku tagay Gobalka Saaxil si uu u hubiyo hawlaha nabadgelyo ee Gobalka.

Taliyaha ayaa Taliska Qaybta Saaxil kulan kula qaatay Taliyaha Qaybta iyo saraakiisha ciidanka ee gobolka, isagoo ugu horreyn warbixin ka dhagaystay Taliyaha Qaybta iyo Taliye ku xigeenka gobolka, isla markaana waxay uga warbixiyeen xaaladda nabadgelyo ee ka jirta Gobalka.

Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa sidoo kale ciidamadu ku dardaaray in ay si buuxda uga shaqeeyaan xoojinta xaaladda nabadgelyo ee gobolka Saaxil, sidoo kalena dardar geliyan hawlaha amniga ee Gobalka.

Ugu dambeyntii, Taliyaha ayaa kormeer ku tagay saldhigyada Booliska ee muhiimka ah sida Saldhiga Dhexe iyo Saldhiga Dekeda, Saldhiga Wadajir iyo Kayd Haamaha shidaalka ee Magaalada Berbera , si uu u hubiyo shaqada Ciidanka iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee gobolka Saaxil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this