Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaarka Hargeysa Oo Loo Diyaarinayo Adeegsiga Diyaaradaha Waaweyn

Recommended Posts

Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md Cali Maxamed Warancade,ayaa daboolka ka qaaday in horaanta sanadka 2008,ee fooda inagu soo haya ay Diyaaradaha Waaweyni ay adeegsan doonaan madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport-ee magaaladan Hargeysa.

 

 

 

Wasiirka Duulista Hawadu,waxa uu sidaasi ka sheegay,mar uu maanta faahfaahin ka bixinayay,qorshe dayactir loogu sameynayo dhabada diyaaradaha [Run Way],oo dib u habayn laga fulinayo,si madaarku ugu adkaysto culayska diyaaradaha waaweyn,ee laba bilood ka dib duulimaadyada ka bilaabi doona.

 

 

 

Md Cali Maxamed Warancadde,waxa uu sheegay in hawsha dayactirka madaarka,oo ay ku baxayso kharash dhan afar Boqol oo Kun oo dollar,ay wejiga hore ay bixisay xukuumada Somaliland.

 

 

 

Madaarka dayactirka ka bilaabmay,waxa aanu Ilaahay ka rajaynaynaa inuu dhaamdo mudada ka hadhay sanadkan sida qorshuhu yahay,waxa madaarku uu adeegasiga diyaaradaha waaweyn,bilaabayaa horaanta sanadka cusub”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawadu.

 

 

 

Waxa kale,oo uu intaasi ku daray in hawsha casriyaynta Madaarka Hargeysa,ay ka qeyb geli doonaan Qurbajooga,Ganacsatada iyo muwaadiniinta Dalka.

 

 

 

Horumarka ka socda ee la taaban karo ayaa mudooyinkii danbeba aad u soo shaac baxaayay iyada oo doraad uu madaxweyne Rayaale uu dhagax dhigay dhisme aad u weyn oo uu yeelann doono madaarka Hargaysa, iyo iyada oo aad loo casriyeeyay qalabka yaala madaarka iyo shaqaalahaba taasi oo ay u sii dheertahay in sanadkan gudihiisa la hirgaliyay in madaarka Hargaysa markii u horaysay loo adeegsaday in ay xiliyada habaynkii ah ay diyaardahu ay ka haadaan isla markaasna ay ku soo degi karaan.

 

 

 

Hadaba warar xog ogaal ah oo aan ka helnay ilo kalo duwan ayaa iyana tibaaxaaya in ay garoonka Hargaysa ay aad u danynayaan shirkado waaweyn oo doonaaya in ay duulimaadyo ku soo sameeyaan Somaliland, taasi oo ay sida muuqata ay tartan balaadhan kula gali doonaan shirkada kaliyaata ee caalami ah ee iyadu todobaadkiiba sadex duulimaad ku samaysa Somaliland, shirkadaasi oo ah shirkada diyaaradaha ee Ethopian Airlaine.

 

 

 

Sida ay doontaba ha ahaatee amniga iyo adeega garoonka Hargaysa ee casimada Somalilaand ayaa xiligan ah mid buuxiyay shuruudihii aminiga ee caalmka taasi oo ku soo dhiiri galinaysa shirkado fara badani in ay duulimaadyo ku soo sameeyaan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

u_2d_2007-10-27-15-49-6f_Warancade.jpg

 

hadhwanaag 2007-10-27 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN) Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Cali Maxamed Waran Cadde ayaa daboolka ka qaaday inay maanta bilaabeen dhismaha Run-weyga Airport-ka Egal International Airport ee Caasimada Hargeysa,kaas oo ay dhismihiisa ku bixidoonto lacag dhan $ 400,000 oo Dolar [Afar boqol oo kun oo Dolar], isla markaana uu ku tilmaamay Wasiirku inay ku doonayaan inay soo fadhiistaan Diyaaradaha Waaweyn ee loo yaqaano Jet-ka oo aan markii hore soo fadhiisan kari-jirin.

 

Sida waxa uu Wasiirku ku sheegay Shirjaraa’id oo maanta ku qabtay Qolka nasashada ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxa kale oo uu Wasiirku ku sheegay Shirkiisa jaraa’id inay kharashka Dhismaha Run-wayga ay bixindoonto Dawladu, iyada oo ay ka qeybka qaadanayaan dadka reer Somaliland ee Qurba-joogu, iyo Shirkadaha Wadaniguba, Waxaana la dhameystiridoona Run-wayga inta ka hadhay Sanadkan 2007. oo dhan laba bilood.

 

Wasiirku waxa sheegay in Sanadka Cusub 2008 la bilaabidoono Duulimaadyada Dayuuradaha Waaweyn ee Jet-ka.

.

“Waxaanu maanta bilownay dhismaha Airport-ka Hargeysa Runway-giisa oo aanu dooneyno inaanu ka dhigno inay soo fadhiisto Diyaaradaha Waaweyn ee loo yaqaano Jet-ka, oo runtii baahiweyn ay u qabto bulshada reer Somaliland Qaran ahaan iyo dad ahaan iyo Dawlad ahaanba” ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawadu

 

Wasiirka Wasaaradu Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade waxa uu sheegay inay lagama maar-maan tahay inay Diyaaradaha waaweyn ee Jet-ku marka ay ka yimadaan Caasimadaha Waaweyn ee inagu Xeeran inay soo fadhiistaan halkan oo aad iyo aad loogu baahan yahay.

 

Waxa kale oo Wasiirku sheegay inay imaanshiyaha Dayuuradaha Waaweyn ee Jet-ku faa’iido-weyn u yeelan doonaan dalka, iyo dadka reer Somaliland ee Qurba-jooguba, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxay Faa’iido-weyn u yeelandoonaan dalka guud ahaan, waxay kale oo faa’iido u yeelandoonaan soo jiidashada dadkeena qur-baha ka imanaya, waxay faa’iido u yeelandoonta dhaqaalaheena”

 

Cali Maxamed Waran-cade waxa uu ku tilmamay Wakhtigan Dhabaha Dayuuradahaa ee Egal International ay soo fadhiistaan Dayuurado yar yar oo Daalay oo la isticmali jiray Wakhti hore . “Waxaynu imika ognahay in Dayuuradaha imika soo fadhiista Airport-keena inay yihiin qaar aad u liita, oo dadku iyaga oo jecel inay Wadankooda ku soo noqdaan Caruurta ku dhalatay Yurub ee aan arag dalkeena waxa had iyo jeer dhacda Marka ay Jabuuti ku rogaan Dayuuradaha Jet-ku inay Soo Raacaan Dayuurado qalanbaxa oo wakhti hore la sameeyey oo leh Marawaxadaha, Dayuuradahaasi Waa Dayuurado Daalay oo runtii maanta ku habooneyn inay rakaab qaadaan [Passenger] oo Aduunyada inteeda badana laga joojiyey”

 

“Sidaa awgeed Markii aanu aragnay dadka dhalinyarada ah ee dibadaha ku dhashay ee u soo xiisay dalkooda Somaliland, markay Jabuuti kaga soo wareegayaan Dayuuradaha noocaas ah [Kuwa Marawaxadaha leh] waxa dhacda inay naxdin iyo afariir ka qaadaan Dayuurado aan Qaboojiyayaal lahayn, ama aanu hagaagsanayn raaxadooda iyo gudahoodu mid aanu wanaagsanayn, oo aanu gudahoodu ahayn wax la isku halayn karo” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade isaga oo ku dooday inaanay Dayuuradaha hore ee Wakhtigan ka shaqeeya Somaliland inay dadka reer Somaliland qurba-joogu ay dhibaato badan kala kulman.

 

“Taasi waxay nagu kaliftay shicib iyo Dawladba inaynu u guntano sidii aynu Airport-ka uga dhigi lahayn mid ay soo fadhiistaan Dayuuradaha Caalamka ka yimaada ee Jet-ka la yidhaahdo khaas ahaan 737 oo aanu dooneyno inaanu ku bilowno” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade

 

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadu waxa uu ku dooday inay maanta bilaabeen talaabadii ugu horeysay oo uu ku tilmaamay inay tahay inaynu bilownay talaabadii ugu horeysay oo ah Run way oo runtii meel fiican oo istaraatijiya kagayaala, meesha uu ku yaalana meel adag oo aad moodo in loogu tala-galay Airport ay tahay.

 

“Airport-ku waxa uu u baahan yahay dhowr arrimood oo kala horeeya Midi waa mid weyn oo aynu jecel nahay inay la kaashano Caalamka oo ay ku baxayso ilaa malaayiin Dolar, midna waa mid dhexe, midna waa mid aanu u aragnay inaynu inagu qabsan karo haddii aynu nahay dadka reer Somaliland iyo Dawladeedaba, tii aynu qabsan kareynay ayeynu maanta tijaabadeedi hore bilownay” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadu Cali Maxamed Warancade.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu inta raaciyey oo uu yidhi “ Waa Illahay mahadii haddii aynu haysano qalabkii aynu kaga oon-bixi lahayn ama inoo suurta-gelin lahaa inay Airport-ka ka dhigno mid Caalamiya oo ay Dayuuradaha Waaweyn soo fadhiistaan”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this