Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Aid to Sool Should Go Through the Proper Channels

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-10-28 (Hadhwanaagnews) Laas-caanood (HWN) Shir ay isugu yimaadeen shalay Maamulka Gobolka Laas-caanood iyo Wufuuda Somaliland ee ku sugan gudaha Magaalada ayaa waxay ku go’aamiyeen in nabadgelyada la adkeeyey, isla markaana waxay ugu baaqeen Cidkasta oo Caawimo iyo taakuleyn dooneysa inay gaadhsiiso dadkii ka barakacay Magaalada Laas-caanood ay si nabad-gelyo ah u gaadhsiin karto.

 

Sida waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com u Xaqiijiyey Af-hayeenka Weftiga ay Weftiga ay Xukuummada Somaliland u dirtay Gobolka Laas-caanood oo wakhtigan ku sugan gudaha Magaalada.

 

“Guddiyada Qaranka Somaliland, Hay’adaha Samofalka,Dawlada iyo Cidkasta oo taakuleyn u geysanaysa dadka ka barakacay inta ay Xuduudka Somaliland tahay ee ay Xaruntoodu tahay Gobolka Sool, ay dadkaa si nabad-gelyo ah u gaadhsiin karto”sida waxa noo xaqiijiyey Af-hayeenka Wufuuda Somaliland ee wakhtigan ku sugan Gudaha Magaalada Laas-caanood.

 

Sidoo kale, waxa uu Warku intaa ku daray inay Guddiyadu ka kooban yihiin Maayarada Degmooyinka Somaliland ee Xudun, Taleex, Kala-beydh iyo Boocane, waxaana Guddoomiye u ah Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cali Sandule

 

“Waxaanu hay’adaha Samo-falka uga digeynaa kuwa Wadaniga iyo Kuwa Caalamiga ahba inaanay wax Siyaasad lug ku leh isku deyin, oo aanay Warkooda dhageysan Maamulkii ******teeniya ee Xaaranta ku haystay Gobolka [sool] ee ka yaacay”sida waxa noo Xaqiijiyey Af-hayeenka Weftiga..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this