Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo beenisay arrin Xasan Sheekh uu ka sheegay dowlada Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-scaled.jpg?fit=2560%2C170

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax xiriir ah ka dhaxeyn digniintii dhawaan kasoo baxday dowladda Mareykanka iyo khudbaddii uu Jimcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsanayd xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab, ayaa shaaca ka qaaday in digniinta Mareykanka ee ku saabsanayd qaraxyada suuragalka ah iyo khudbadii madaxweynaha aysan wax xiriir ah lahayn, isagoo tilmaamay in khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ahayd mid guud oo ka hadlaysay xaaladda amniga ee dalka.

Safiirka ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in madaxweynuhu uu si gaar ah u dhaliilay digniinta kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taas oo muwaadiniinta Mareykanka loogu sheegay inay ka taxadaraan weerarro ay Al-Shabaab qorsheyneyso inay ka fuliso caasimadda Muqdisho.

Danjire Daahir Carab ayaa sheegay in khudbadda Madaxweynaha ee Jimcihii ay ahayd mid uu shacabka ugu iftiiminayay horumarka laga gaaray dhinaca amniga, isagoo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sugidda nabadda dalka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka 

Waxaa kale oo uu sheegay in xiriir wanaagsan oo dhinaca amniga ah uu hadda ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana Mareykanka uu Soomaaliya ka taageero la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo xusay inay dowladda Federaalka ka caawiyaan macluumaadka dhinaca amniga.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Jimcihii la soo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh uu jeediyay khudbad uu shacabka ugu sheegay in Soomaaliya ay maanta amni ahaan meel wanaagsan joogto, isla markaana aysan jirin cabsi cusub ama khatar amni oo soo wajahday magaalada Muqdisho.

“Dalka xaalad ka wanaagsan maanta ma jiro. Ma jiraan khataro cusub oo soo wajahay dalka, mana jirto meel ay Al-Shabaab naga qabsatay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sameeyaan isku tashi, si dalka looga maarmo ku tiirsanaanta shisheeyaha, isagoo ku celiyay in horumarka Soomaaliya uu ku xiranyahay dadaalka dadka Soomaaliyeed.

“Soomaaliyeey aan isku tashanno, dalkeenna innaga ayaa leh, annaga ayaa dhisaneyna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa sii wada taageerada uu siinayo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo dowladda federaalku ay sii laba-jibaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

The post DF Soomaaliya oo beenisay arrin Xasan Sheekh uu ka sheegay dowlada Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this