Deeq A. Posted March 10 Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, kaas oo dhexmaray laba maleeshiyo-beeleed. Inta la xaqiijiyay, dagaalka ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 12 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, dadka dhaawacmay ayaana isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah oo goobta ka ag dhowaa. Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay. Dagaalkan ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Dooxada Dureere, waxaana goobta hadda ka socda dadaallo lagu doonayo in colaadda lagu joojiyo oo ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo wafdi dhaqan oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sanaag ayaa sidoo kale gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalku dib u soo cusboonaado. Dhimashada ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa gaartay ugu yaraan 12 qof, iyadoo dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Dagaal beeleedyo soo noqnoqday Gobolka Sanaag ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo laalaabtay dagaallo salka ku haya colaadaha beelaha, kuwaas oo saameeyay magaalooyin badan oo ay ku jirto xarunta gobolka ee Ceerigaabo. Dhanka kale, wafdi ka socda odayaasha dhaqanka ayaa ku wajahan goobta lagu dagaalamay, waxaana wafdigaas hoggaaminaya Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam, oo dadaal ugu jira sidii xaaladda loo dejin lahaa. Dhanka kale, gobolka Sanaag ayaa sidoo kale ka jirta xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Somaliland iyo maamulka SSC, iyadoo dhinacyadani ay ku loollamayaan gacan ku haynta deegaanno dhowr ah oo gobollada Sanaag iyo Sool ah. SSC ayaa ku doodeysa inay dib u qabsato deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay dhankeeda qorsheyneyso inay isku fidiso labada gobol ee Sool iyo Sanaag. Xiisadaha colaadeed ee gobolka Sanaag ayaa noqday kuwo soo noq-noqda, iyadoo dagaallo hore ay ka dhaceen magaalooyin kala duwan oo gobolka ka tirsan, oo ay ugu horreyso Ceerigaabo.The post Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Sanaag + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites