Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Daa’uud Maleele

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-2.jpeg?fit=1643%2C1094&ssl=1

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen aagga degmada Afgooye ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday horjooge ka tirsanaa Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, ayaa lagu khaarijiyay sarkaalka la weeraray oo magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaas oo dhibaato weyn ku hayay dadka deegaanka.

Daa’uud Maleele ayaa kooxda argagixisada ah u qaabilsanaa waxa ay Khawaarijta ugu yeeraan Zakawaatka iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo toogasho lagu soo dilay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dilka horjoogahan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin halis badan oo dadka dhibi jiray aagga deegaanka Beledul-Amiin, balse haatan laga hor leexiyay shacabka, lana soo khaarijiyay.

“Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud shartiisa ka hor leexiyay shacabka Soomaaliyeed, kuna khaarijiyay deegaanka Beledul-Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen Guutada 14-ka October ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan duleedka degmada Afgooye, kuwaas oo looga hortegayo Al-Shabaab.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada ay ku qaado fariisimaha ciidamada.

Waxaa sidoo kale Al-Shabaab ay gobolkan kusoo diyaariyaan inta badan qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ay ka fuliso gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

The post Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Daa’uud Maleele appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this