Deeq A. Posted March 10 Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo maanta ka dhacay deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo gaystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeello culus kasoo gaartay xubnihii Shabaab ee diyaarinayay oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in qarax jugtiisa si weyn looga maqlay aagga Laba Garas, kaas oo ay ku dhamaadeen Shabaabkii diyaarinayay, waxaana ku dhintay in ka badan 5 dagaalame, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab ay doonayeen in qarax ay ku weerareen fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleda ee howlgallada culus ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. Laba Garas ayaa kamid ah deegaannadii ay soo galeen maleeshiyaadka Argagixisada ah waxaana sidoo kale haatan isku horfadhiyo ciidamada dowladda iyo xubnaha Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan qaraxaas ay dhibaatada kasoo gaartay ee ka dhacay deegaanka Laba Garas ee Shabeelaha Dhexe. Goobolkan ayaa galay xaalad adag, kadib markii ay culeys soo saartay Khawaarijta, waxaana haatan ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyada oo hawada ay ka taageeraya diyaaradaha saaxibada caalamiga ah. Marar badan ayaa Al-Shabaab sidaan oo kale ay ugu dhammaadeen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana kasoo gaaray khasaarooyin leh dhimasho iyo dhaawac. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, kadib markii guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab uu qarax ka dhex dhacay, kaas oo la sheegay inay halaasi ku diyaarinayeen, waxaana ku dhintay illaa 6 dagaalame.. “Maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday Qarax ay sameynayeen xili ay ku sugnayeen guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u shaacisay dowladda dhexe oo looga hadlay dhacdadaasi. Waxaa kale oo jira qaraxyo kale oo ay ka hortageen ciidamada howlgalka wada oo dhowaan burburiyay baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.The post Al-Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay diyaarinayeen – XOG appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites