Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo beenisay inay oggolaatay xabbad-joojin ilaa dhammaadka Ramadaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xamaas ayaa sheegtay inay jiraan calaamado wanaagsan oo muujinaya bilaabashada wada-xaajoodyada wejiga labaad ee xabbad-joojinta Qasa, iyadoo wafdi ka socda kooxda ay dhexdhexaadiyeyaasha kula kulmeen magaalada Qaahir. Xafiiska raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in Israa’iil aysan wafdi u diri doonin Dooxa berri oo lagu wado inay billowdaan wada-hadallada xabbad-joojinta. Afhayeenka Xamaas Abdul Latif Al-Qanou ayaa sheegay in dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qadar ay muujinayaan calaamado horudhac ah oo wanaagsan, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Xamaas diyaar ugu tahay wada-xaajoodyada wejiga labaad

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this