Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro oo ka hadlay kulankii ay isugu yimaadeen isga iyo Madaxweyne yaashii hore

Recommended Posts

Deeq A.   

img_2_1741547330293.jpgimg_1_1741551148620.jpg

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook- waxa uu sharaxaad kaga bixiyay kulankii uu galinkii danbe ee maanta uu la yeeshay madaxweynayaashii hore ee Somaliland qoraalka madaxweynahu waxa uu u dhignaa oo uu ku bilaabay sidan sidan hoos ku xusan.

Waxa aan galabta kulan iyo Afur wada qaadannay Madaxweynayaashii hore ee Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland ee 3aad iyo 5aad ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin & Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Labada Madaxweyne ee hore waxa aan iska xog-wareysannay guud ahaan xaaladda dalka ee dhanka horumarka, dhaqaalaha, nabadda, iyo isbeddelada ay Xukuumaddeydu waddo.

Sida oo kale, Walaaladay Madaxweynayaashii hore waxa aan si qoto dheer u wada dul-istaagnay taariikhdii dib u dhiska dalkan, hayaankii dheeraa ee loo soo maray hannaanka qori isu dhiibka talada dalka iyo nidaamkeenna doorashooyinka.

Ilaahay idamkii waxaa noo sii socon doonna kulamada wada-tashiga Qaran ee dalkan wadajirkiisa lagu sii amba-qaadayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this