Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn ka dhacday bannaanka Aqalka Cad ee Mareykanka + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Aqalka-Cad-White-House-scaled.jpg?fit=25

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Maraykanka ee loo yaqaan (Secret Service) ayaa toogtay nin hubaysan oo habeenkii Sabtida ku sugnaa meel u dhow Aqalka Cad, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda aroornimadii Axadda.

Waqtigaas Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku maqnaa xaruntiisa gaarka ah ee Mar-a-Lago oo ku taal gobolka Florida.

Ninka dhaawaca soo gaaray ayaa loola cararay isbitaalka, iyadoo xaaladdiisa lagu tilmaamay mid aan weli caddeyn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda.

Afhayeenka Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku sheegay in aysan wax dhaawac ahi soo gaarin saraakiisha, dhacdadan darteed.

Ciidamada Secret Service ayaa digniin hore ka helay booliska deegaanka oo ku saabsan nin qaba xaalad naf-la-caari ah oo ka yimid gobolka Indiana kuna soo wajahnaa magaalada Washington. Qiyaastii saqda dhexe ayay ciidamadu heleen gaarigiisa oo la dhigay meel ku dhow waddooyinka 17th iyo F Street, oo u dhow Aqalka Cad.

Intaa kadib waxay arkeen qof meel u dhow jooga oo tilmaamtiisa ay horey u siiyeen booliska deegaanka.

“Markii ciidamadu u dhowaadeen qofkaas, wuxuu la la soo baxay hub, waxaana bilowday iska hor imaad hubaysan oo sababay in ciidamada ay rasaas ku furaan,” ayaa lagu yiri warka hay’addu soo saartay.

Booliska magaalada Washington ayaa sheegay in baarayaal ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ay dhacdadan baaritaan ku wadaan, balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin.

-Beegsiga Aqalka Cad –

Sannadihii u dambeeyay waxaa dhacayay falal badan oo rag hubaysan lagu toogtay gudaha ama hareeraha Aqalka Cad, sida dhacdadii sannadkii 2016, markii nin hub sitay lagu toogtay isagoo taagan iridda ammaanka Aqalka Cad.

Sannadkii 2016, nin lagu magacaabo Sai Varshith Kandula, oo u dhashay dalka Hindiya isla markaana watay gaari xamuul ah oo uu kiraystay, ayaa ku fashilmay isku day uu ku doonayay inuu ku jabiyo xayndaabka amniga ee Aqalka Cad.

Madaxweyne Trump qudhiisu wuxuu si dirqi ah uga badbaaday isku day dil bishii July 2024 ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay, isagoo dhaawac fudud ka soo gaaray dhagtiisa.

Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Secret Service ayaa lagu ogaaday in arrintaas ay qeyb ka ahaayeen is-gaarsiin xumo iyo feejignaan la’aan dhinaca ciidamada ah.

The post Is-rasaaseyn ka dhacday bannaanka Aqalka Cad ee Mareykanka + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this