Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo ku daba-jirta saraakiil xogta dagaalka u gudbisay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku hayso saraakiil xogta dagaalka siiya kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in saraakiisha la tuhunsan yahay oo darajooyin haysta laga fariisiyey shaqada, isla markaana ay ka sheekeeyaan maqaayadaha, iyagoo ka shaqeeya qalqal gelinta bulshada.

Wuxuu si cad u sheegay in saraakiishaas ay xogta toos ula wadaagaan Al-Shabaab, iyagoo u sheegaya deegaanada laga soo baxay, khasaaraha dhacay iyo dhinacyada ay ka jilicsan tahay dowladdu, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Saraakiisha la fadhiisiyey ee Al-Shabaab xogaha siiya ee dhahaayo meel hebel ayaa laga soo dhaqaaqay ee maqaayadaha fadhiya waa daba galeynaa, darajadooda ayeyna waayi doonaan,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa farriin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay shacabka niyad jabiyaan Shabaab-na si dadban ugu muujiyaan taageero, iyagoo ku xumeynaya madaxda dowladda.

“Siyaasiyiinta qaar ayaa liidnaasho dhanka dowladda ah ka raadiya dagaalka Khawaarijta, waxaa jira meelo kale oo gaabis ka jiro oo dowladda lagu dhaliili karo, laakiin amnigu waa muhiim, Al-Shabaab maanta waa u simanahay ninka mucaaradka ah ee guul daradeena ku raaxeysanaya iyo aniga oo dagaalka toos ugu jira, qof kasta dil ayuu ugu xukuman yahay kooxdaas,” ayuu yiri.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali, ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah weydiiyey “Hadii dagaalkaan aad dhex dhexaad ka noqoto halkee rabtaa berri inaad xukunto, walaalayaal aan u midowno dagaalka cadowgeena” ayuu yiri.

Sidoo kale wasiirka ayaa aad u amaanay ciidamada daraawiishta Puntland iyo shacabkooda ku garab istaagay dagaalka, wuxuuna u rajeeyey inay ka guuleystaan kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ay ka xoreynayaan.

Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa digniin u diray shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan, isagoo u sheegay in duqeyn culus lagu bilaabayo kooxda, kana dalbaday inay ka fogaadaan.

Hoos ka daawo.

The post Daawo: DF oo ku daba-jirta saraakiil xogta dagaalka u gudbisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this