Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Mustaf Dhuxulow?

Recommended Posts

Deeq A.   
482842949_660037176552378_27324861535936

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada mid ka mid ah kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lasoo buuxiyay kursigaasi.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa HOP#049 una horay ugu fadhiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxlow ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax, kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Mustaf Dhuxulow ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xildhibaanka soo baxay Maxamed Cabdi Cali Faarax ayaa loo xiray kursigan, waxaana lasii ogaa natiijada, maadaama ay la tartamay gabar malxiis ahaan loo soo diyaariyay.

Sidoo kale xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax ee kasoo jeeda Galmudug.

Dhinaca kale waxaa weli jira kuraas kale oo ka banaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey.

Si kastaba, tallaabadaan uu qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqso leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

The post Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Mustaf Dhuxulow? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this