Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Macawiisley ah oo maanta lala beegsaday qarax culus + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka lagula eegtay aagga deegaanka Xawaaley oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bar-kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda, taas oo ku taalla halka loo yaqaanno Jameeco Misro-yarey, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kamid ah ciidanka Macawiisleyda.

Dhaawacyada askarta oo xaaladooda liidato ayaa lagu soo warramayaa in deg-deg ah loogu soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana isku fidiyay ciidamada deegaanka oo howlgal lagu baadi goobayo raggii falka ka dambeeyay ka wada halkaas.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyaadka argagixisada ah ay soo galeen deegaannada gobolkaasi, iyaga oo kasoo tallaabay deegaanada dhaca jinka wabiga Shabelle.

Balcad ayaa kamid ah meelaha lagu arkay xubnaha Khawaarijta oo saacado kooban kadib dib uga baxay, waxaana haatan halkaas ku sugan ciidanka Xoogga dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaaneyso dadka deegaanka ayaa haatan gobolka ka wadda howlgallo looga difaacayo inay Al-Shabaab dib ugu soo laabtaan deegaanadii horay looga saaray.

Dagaalka ayaa sidoo kale weji cusub yeeshay, waxaana kusoo biiray Itoobiya oo ciidamadii ugu badnaa soo gelisay xadka Soomaaliya, kuwaas oo haatan ay gaareen deegaanka Feerfeer, iyaga oo kadib usii gudbaya furinta hore ee Shabeelaha Dhexe.

The post Ciidamo Macawiisley ah oo maanta lala beegsaday qarax culus + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this