Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Bajaajleyda iyo Taraafikada oo ay ka dhex-tafatay – Maxaa la’isku hayaa?

Recommended Posts

Deeq A.   
Bajaaj5-692x430.jpg?fit=692%2C430&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah darawallada Bajaajleyda ayaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyaga oo ka cabanayo Taliska Taraafikada ee gobolka Banaadir.

Darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka banaan-baxooda, waxayna sheegeen in iyaga iyo Taraafikada ay isku hayaan arrimo la xiriira Leesinka.

Oday kamid ah Bajaajleyda ayaa sheegay in Leesinkiisa uu ku maqan yahay wasaaradda gaadiidka, welina aanu soo bixin, haddana ay dhib ku hayaan ciidamada Taraafikada.

“Leesinkeyga aniga waxaa iga qabto wasaaradda gaadiidka welina imtaxaanka ma helin inaan baasay iyo in kale, ninkii aan ka rabayna wuu i fasixi la’ahay” ayuu yiri mid kamid darawallada dhigay dibad-baxa.

Sidoo kale darawal kale ayaa goobta ka sheegay in xittaa lacago ay ka qaadaan ciidanka Taraafikada marka ay ku qabtaan waddooyinka, taasina ay tahay caqabad soo korortay.

“Maalin kasta marka laga reebo jimcaha waxaa nagala qaadaa 5 dollar, annagana inteena badan mootooyinka waxaan ku wadnaa kiro marka Soona waa lagu jiraa Taraafikana dhib wayn ayay nagu haysaa” ayuu yiri darawal kale oo Bajaajle ah.

Intaas kadib waxaa dibad-baxayaasha u tegay taliye ku xigeenka Taraafikada Najiib Carab, isaga oo u ballan qaaday in cabashadooda si deg deg ah wax looga qaban doono.

“Dad aad ku qanacsan tihiin oo guddi ah soo dira go’aan annaga ayaa soo siineyno” ayuu yiri Taliye Najiib Carab oo goobta kula hadlay dibadbaxayaasha.

Bajaajleyda Muqdisho ayaa marar badan dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka caasimada, waxayna arrintooda noqotay mid soo laa laabatay oo loo la’yahay xal waara.

The post Daawo: Bajaajleyda iyo Taraafikada oo ay ka dhex-tafatay – Maxaa la’isku hayaa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this