Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo ku dhawaaqay in ay ilaa lix talis ka saareen Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1741488335260.jpg?resize=720%2C38

Taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalladii u danbeeyay ee buuraha Calmiskaad ayaa shaaciyay in ay ilaa lix talis ka saareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.

Taliyaha ciidanka Kumaandada ee PMPF G/dhexe Maxamuud Shire Maxamed oo ka warbixiyay hawlgalladaasi ayaa sheegay in ciidamada oo hawlgal qorshaysan ka sameeyay togga Geel-lagu-qal ay gacanta ku dhigeen ilaa lix talis, oo ay si qarsoodi ah halkaasi uga samaysteen mileeshiyaadka ISIS.

“Ciidamadu waxay maanta hawlgal ka sameeyeen meesha la yiraahdo Geel-lagu-qal, waxaana laga helay talisyo ballaaran oo ay ku dhuumaaleysan jireen Argagixisadu, oo ay ku keydsan yihiin rasaas, agab militari iyo raashin badan oo dhawr gaari qaadi karto, kuwaasi oo meelo qarsoon ay ku laabteen, waana ka soo saarnay dhammaantood geed walba oo ay galiyeen wax ciidanka ka qarsoomaya ma jiraan.”

“Ilaa lix talis baan maanta helnay meesha lagu magacaabo Geel-lagu-qal, waana nadiifinay dhammaantood wixii agab millitari iyo raashin ugu keydsanaa, waxaan kale oo helnay goof dab-rid  oo ay mileeshiyaadkooda ku tababari jireen. Argagixisadu waa fulayo waxay ka carareen agabkoodii, biyihii iyo raashinkoodii” ayuu yiri G/dhexe Maxamuud Shire.

Taliyaha ciidanka Kumaandada ee PMPF G/dhexe Maxamuud Shire Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in uu dardar xooggan ku socdo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ISIS, waxaana uu si weyn ugu mahadceliyay ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland oo godadka ugu daatay firxadkii dagaallamayaasha Argagixisada ee baxsadka ah, kaddib markii ay ku soo jabeen wejigii hore ee hawlgalka oo ka dhacay togga Jeceel.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo ku dhawaaqay in ay ilaa lix talis ka saareen Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this