Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo duqeyn ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo DF oo war ka soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   
ABIY.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn ka fulisay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay Itoobiya ay duqeymaha fuliyeen, ayna ma warqabtay dowladda.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaannada Al-Shabaab, inkasta oo uusan faah-faahin khasaaraha ka dhashay.

Mar uu la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu caddeeyay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwo ay dowladda federaalka la socotay, islamarkaana aan la fulin karin weerarro noocan ah iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin heshiis amni, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wada-shaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howl-galka cusub ee AUSSOM.

Si kastaba ha ahaatee, horey looma arag ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal ka fulinaya Shabeellaha Dhexe, waana tallaabo loo qaaday iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagaxisada ee labada dhinac.

The post Itoobiya oo duqeyn ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo DF oo war ka soo saartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this