Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo Soomaaliya ku daraya liiska dalal la filayo in…

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump.jpeg?fit=2400%2C1800&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhammeystiraya xayiraad cusub oo lagu soo rogayo safarka dadka ka imanaya dalal gaar ah, taasi oo ka ballaaran tii uu madaxweynuhu soo rogay muddo xileedkiisa koowaad, sida ay New York Times u sheegeen laba mas’uul oo arrintan xog ogaal u ah.

Qoraal qabyo ah oo dhex wareegaya waaxyaha xukuumadda ayaa soo jeedinaya in la sameeyo liis “gaduud” ah oo ay ku jiraan dalal uu muwaadiniintooda Trump ka mamnuuci karo in ay Mareykanka soo galaan, sida ay sheegeen saraakiishan oo codsaday in aan la magacaabin.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay in liiska cas ee la soo jeediyay uu inta badan ka kooban yahay waddamadii horey xayiraadaha Trump uga jiray. Xilligaas, dalalkaasi waxa ahaayeen Cuba, Iran, Libya, Waqooyiga Kuuriya, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya, Venezuela iyo Yemen.

Qabyo qoraalkaan ayaa sidoo kale si hordhac ah u soo jeedinaya in Afghanistan lagu daro dalalka muwaadiniintooda si buuxda looga mamnuuci doono inay Mareykanka soo galaan, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta.

Shawn VanDiver, oo ah madaxa hay’ad samafal oo gacan ka siisa dib u dejinta muwaadiniinta Afghanistan ee la shaqeeyay ciidamada Mareykanka intii lagu jiray dagaalkii dalkaas, ayaa sheegay in uu ka war helay in dadka reer Afghanistan si buuxda looga mamnuuci doono in ay soo galaan Mareykanka.

Subaxnimadii Arbacada, hay’addiisa ayaa soo saartay bayaan degdeg ah oo cinwaankiisu ahaa “Xayiraadda Socdaalka Afghanistan oo soo socota,” kaas oo loogu baaqay dadka Afghanistan ee haysta fiisayaasha saxda ah isla markaana haatan ka maqan Mareykanka in ay si degdeg ah dib ugu soo laabtaan. Galabkii Arbacada, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale werisay in Afghanistan loo soo jeedinayo xayiraad dhammaystiran.

Soo jeedinta mamnuucidda waxa ay kaloo xambaarsan tahay liis “oranje” ah oo ay ku jiraan dalal laga xaddidi doono gelitaanka, balse aan si buuxda looga mamnuuci doonin. Tusaale ahaan, kaliya noocyo go’an oo fiisayaal ah ayaa la siin karaa—sida kuwa dad taajiriin ah oo u socdaalaya ganacsi ahaan, halka socdaalayaasha iyo muhaajiriinta laga xayiri karo—waxaana laga yaabaa in muddada fiisaha la gaabiyo. Codsadayaasha fiisaha waxa la khasbi doonaa in ay si shaqsi ah u wareystaan saraakiisha.

Dalalka ku jira qaybta saddexaad ee loo bixiyay “jaalle” ayaa la siin doonaa 60 maalmood si ay u saxaan khaladaad la tuhunsan yahay, haddii kale waxaa lagu dari doonaa mid ka mid ah labada liis ee kale, sida ay sheegeen saraakiisha.

Arrimaha laga yaabo in ay sababaan xayiraadaha waxaa ka mid ah in waddankaasi uusan Mareykanka la wadaagin xogta dadka u socdaalaya, in aanay jirin hannaan ammaan oo ku filan oo loo marayo bixinta baasaboorrada, ama in ay dad ka socda dalalka la mamnuucay si fudud u siinayaan dhalasho si ay uga gudbaan xayiraadaha socdaalka.

Wali lama caddeyn in dadka horey u haystay fiisayaasha ay ka badbaadi doonaan mamnuucidda, ama in fiisayaashooda la laali doono.

Dad badan oo reer Afghanistan ah ayaa loo ansixiyay in ay Mareykanka ku soo galaan iyagoo qaxooti ah ama iyagoo haysta fiisayaasha gaarka ah ee la siiyo dadka la shaqeeyay Mareykanka xilligii dagaalka. Sidoo kale lama caddeyn in dadka haysta Green Card, oo ah kuwa loo oggolaaday deganaanshaha rasmiga ah, ay saameyn doonaan xayiraadahani.

Ku dhawaad 200,000 oo reer Afghanistan ah oo ku sugan dalkooda hooyo iyo 51,000 oo kale oo dibadda jooga, kuwaas oo kala bar ku sugan Pakistan, ayaa hadda ku jira hanaanka rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu geeyo Mareykanka, halka kumannaan kalena ay diyaarsan yihiin oo ay xitaa haystaan hoy, sida uu sheegay Mr. VanDiver, oo ah sarkaal hore oo ciidan iyo madaxda AfghanEvac, oo ah hay’ad samafal.

“Tani waa bulshada ugu la xisaabtanka badan ee la baaray abid,” ayuu yiri intii lagu jiray wareysi uu bixiyey Khamiistii. “Waa wax la yaab leh heerka ay dadkani u marayaan.”

Wuxuu intaas ku daray in dad badan oo ka tirsan askartii hore ee Mareykanka, kuwaas oo horey ugu codeeyay Trump, ay haatan aad uga caroodeen wararka la xiriira xayiraadda socdaalka. “Waxay leeyihiin, ‘Tani ma ahayn wixii aan u codeeyay,’” ayuu yiri. “Heshiisku wuxuu ahaa in la keeno xulufadii dagaalka ee nala shaqeysay. Hadda waxay u muuqataa khiyaano.”

Mid ka mid ah wareegtooyinka badan ee uu Trump saxiixay maalintii uu xilka la wareegay, wuxuu amray Waaxda Arrimaha Dibadda in ay soo ogaato dalalka “xogtooda baaritaan iyo hubin ay aad u liidato si loogu soo rogo xayiraad buuxda ama mid qayb ah oo lagu mamnuucayo muwaadiniintooda.”

Trump wuxuu Waaxda Arrimaha Dibadda siiyay 60 maalmood si ay u dhammeystirto warbixin ay u diri doonto Aqalka Cad, taasoo la filayo inay diyaar noqoto labo toddobaad gudahood. Waxa uu sidoo kale faray Waaxyaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay ka shaqeeyaan mashruucan.

Xafiiska saxaafadda ee Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay raacayaan wareegtada madaxweynaha islamarkaana ay ka go’an tahay “ilaalinta ammaanka qaranka iyo badbaadada muwaadiniinta Mareykanka iyada oo loo marayo hannaanka ugu adag ee fiisaha lagu bixiyo,” balse si gaar ah uma aysan faallayn arrimaha go’aannada gudaha.

Waaxda Arrimaha Dibadda, gaar ahaan xafiiska la tacaala arrimaha socdaalka, ayaa loo xil-saaray diyaarinta qoraalka hore, balse liisaska saddexda qeybood ee kala duwan wali ma jiraan kuwo la xaqiijiyay, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arrintan.

Muddadii ololihiisa doorashada ee December 2015, Mr. Trump wuxuu si cad u dalbaday “mamnuucista buuxa ee Muslimiinta soo galaya Mareykanka ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalku ay ka ogaanayaan waxa saxda ah ee socda.”

Kadib markuu xilka la wareegay Janaayo 2017, wuxuu Trump soo saaray xayiraad socdaal oo uu si tartiib tartiib ah u balaarinayay, taas oo markii hore diiradda saartay waddamada Muslimiinta u badan, balse markii dambe ay saameysay dalal sabool ah iyo kuwo Afrika ah.

Markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Joe Biden Janaayo 2021, wuxuu baabi’iyay xayiraadihii Trump, isagoo dib ugu noqday hannaan lagu qiimeeyo shaqsi ahaan dadka ka imanaya dalalkaas.

Wareegtadiisa, Biden wuxuu ku tilmaamay mamnuucidii Trump “mid khaldan,” isagoo xusay in ay ahayd mid “fadeexad ku ah sharafta Mareykanka.”

Waxaa la filayaa in xayiraadaha cusub ee socdaalka ay sii xoojin doonaan muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha socdaalka Mareykanka.

The post Trump oo Soomaaliya ku daraya liiska dalal la filayo in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this