Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay Kaadhka cas ee caawinaya dadka Mareykanka laga tarxiilayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaadashadiisa waxay iga dhigeysaa inaan dareemo ammaan.”

Verónica Velásquez, oo ah soo galooti aan haysan wax warqad ah kana timid Filibiin kuna nool Los Angeles, waxay had iyo jeer ku sidataa boorsadeeda kaar cas oo yar.

Mararka qaarkood waxaa loogu yeeraa “kaarka-ogaanshahaaga-xuquuqda”, wuxuu xusuusin u yahay sida Verónica iyo kuwa kale xuquuqdooda dastuuriga ah iyo waxa ay tahay inay sameeyaan marka ay la macaamilayaan mas’uuliyiinta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE) ee Maraykanka.

Waxaa kaarkaan hindistay xarun ka shaqeysa arrimaha sharciga iyo socdaalka oo la yiraahdo ILRC ku dhawaad labaatan sano ka hor waxaana hadda lagu heli karaa 19 luqadood.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo isla markaana uu ballanqaaday inuu fulinayo “masaafurintii ugu weyneyd ee taariikhda”, baahida kaarkaan ayaa cirka isku shareertay.

“Tan iyo doorashadii madaxweynaha 5tii Noofambar, waxa naloo soo gudbiyay codsiyo ah sagaal milyan oo kaarar ah, in ka badan wadarta guud ee 17-kii sano ee la soo dhaafay,” xaruunta ILRC ayaa sidaasi sheegtay.

 

Xuquuqda iyo tilmaamaha”

Qof kasta oo ku nool Maraykanka, iyadoon loo eegayn xaaladdiisa socdaal, waxa uu leeyahay xuquuqo uu dammaanad qaaday dastuurka waddanku.

Kaararka cas ee ILRC-da waxay bixinayaan tusaalayaal sida dadka halista ugu jira masaafurinta ay u wajihi karaan xaaladaha nolosha dhabta ah, sida marka wakiilada ICE ay yimaadaan gurigooda.

Kaarku waxa uu ku talinayaa in la isticmaalo wax ka beddelka shanaad – taas oo ka ilaalinaysa shakhsiyaadka in lagu qasbo in ay naftooda dembi u gaystaan iyo in ay diidaan in ay ka jawaabaan su’aal kasta oo kaga timaadda mas’uuliyiinta socdaalka.

Waxa kale oo kaarku ka caawinayaa dadka in qofku aanu u ogolaan qolyahay socdaalk gurigiisa haddii aanu wadan warqad maxkamadeed oo uu garsoore ku saxiixanyahay.

Kaarka cas iyo boggiisa tilmaamaha bixinaya

Xigashada Sawirka,Handout

Qoraalka sawirka,Kaarka cas iyo boggiisa tilmaamaha bixinaya

Midabku wuxuu tixraac u yahay kaararka cas ee ay garsoorayaashu u isticmaalaan ciyaaraha kubbadda cagta si ay ciyaartoy uga saaraan garoonka marka uu khalad galo.

ILRC oo fadhigeedu yahay California waxay sheegtay in ay fikradda la timid 2007dii, ka dib weeraro isdaba joog ahaa oo lagu bartilmaameedsaday shaqaale sharci darro ah oo “argagax geliyey bulshada”.

Ururku wuxuu kaararka u qaybiyaa ururada aan macaash doonka ahayn iyo ganacsiyada si ay ugu qaybiyaan dugsiyada, kaniisadaha, xaruumaha caafimaadka ama bangiyada, iyo qareenada la shaqeeya muhaajiriinta iyo magangalyo-doonka.

Qof kastaa wuu daabaca karaa isaga oo muujinaya qoraallada ku xardhan ee tilmaamaha bixinaya.

Kaarka mid ka mid ah dhinacyadiisa ama labadiisa boq waxaa ku qoran luuqadda Ingiriiska halka bogga kalane uu qofku ku qoron karo luuqaddiisa gaarka u ah.

 

Waxaa lagu daabici karaa Isbaanish, Boortaqiis, Carabi, Creole, Ruush, Yukreeniyaan, Fiyatnaamiis, Shiinees iyo kuwo kale, taasoo muujineysa kala duwanaanshaha dadka soogalootiga ah ee Mareykanka.

Waa nin ay xireen ciidamada laanta socdaalka Mareykanka

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Waa nin ay xireen ciidamada laanta socdaalka Mareykanka

Sida ay sheegtay xaruunta cilmi-baarista ee Pew, 11 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah ayaa ku sugnaa gudaha Mareykanka sanadkii 2022-ka.

Tiradaas waxay ka dhigeysaa 23% dhammaan muhaajiriinta Maraykanka iyo 3.3% dadka guud ee dalkaas.

Qiyaastii afar milyan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Mexico, sidoo kale ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa u dhashay saddexda dal ee loogu yeero Saddex-xagalka Waqooyi ee Bartamaha Ameerika (El Salvador, Honduras iyo Guatemala).

Sidoo kale waxaa jira soo galooti ka soo jeeda bulshooyinka Aasiya, Afrika iyo meelo kale, waxaana dadka u dhaqdhaqaaqa muhaajiriinta ay sheegayaan in xaqa lagu qeexay kaarka cas uu noqon karo faraqa u dhexeeya sii joogitaanka dalka ama in la eryo.

“Waxay tahay aalad fudud, laakiin saameyn weyn ayey yeelan kartaa,” ayaa tiri Dalia Zetina, oo ka socota Dream Project Center ee jaamacadda Coastline ee Newport Beach, California.

“Wuxuu sidoo kale caawiyaa qofka haysta inuu dareemo ammaan marka uu ka baxayo guriga ama uu u socdo shaqada,” ayay tiri iyada oo la hadlaysay BBC Mundo.

“Waxaa dhici karta inaad isku dhex yaacdi haddii wakiil ku istaajiyo. Marka waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso waa inaad qaadato kaarka oo aad akhrido, ama si toos ah u siiso,” ayay tiri.

Xarunta ay ka shaqeyso ayaa bulshada u qaybisay 700 kaar oo ay ku qoranyihiin af-Spanish, af-Tagalog, iyo iyo af-Vietnamese.

‘Ka fogow kaarka xiritaanka’

Dadka soo galootiga ah ayaa dareemaya cabsi xooggan tan

Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Dadka soo galootiga ah ayaa dareemaya cabsi xooggan tan

Saraakiisha maamulka Trump ayaa si weyn u dhaleeceeyay hay’adaha NGO-yada iyo ururo iskaa wax u qabso ah oo sheegay in ay caawinayaan dadka soogalootiga ah ee aan haysan deganaansho sharci ah si ay u ” uga hortagaan” wakiilada ICE.

“Waxay ugu yeeraan ololahaan ‘ogow xuquuqdaada,’ waxey ugu yeerayaan ‘sida looga fogaado in la xiro,” ayuu yiri Tom Homan, oo ah taliyaha xuduudaha ee Trump oo mas’uul ka ah howlaha masaafurinta.

Waxa uu u sheegay Fox News: “Ma jiraan wax naga hor istaagaya in aan tarxiilino soogalootiga dambiilayaasha ah, waxaanu qaban doonaa shaqada.”

Musaafurinta soogalootiga waxay ahayd mid ka mid ah balamihii ugu waaweynaa ee Trump xilligii ol’olaha doorashada, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, weerarada guryaha iyo goobaha shaqada ayaa ku soo badanayay Mareykanka.

Maamulka cusub ayaa adeegsada baraha bulshada si uu ugu baahiyo waxqabadkiisa.

Aqalka Cad, Waaxda Amniga Gudaha iyo ICE ayaa maalin walba daabaca sawirro dad la xiray, oo mararka qaarkood-na soo bandhiga dad la saarayo diyaarad, iyagoo ka katiinadeysan gacmaha iyo lugaha.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in falalkan ay dani ugu jirto ammaanka qaranka, ayna dib u celinayaan “dambiilayaasha”.

Si kastaba ha ahaatee, tirooyinka ay heshay NBC News ayaa muujinaya in in ka badan 40% dadka la xiray aysan lahayn wax dambi ah.

Waxay ogaadeen in 4,422 qof oo ay ICE xirtay labadii toddobaad ee ugu horreeyay Febraayo, 1,800 ka mid ah aan wax xukun ah lagu ridin amba aan lagu soo eedeyn fal-dambiyeed .

Cabsida ay ka qabaan dadka muhaajiriinta ah in la qabqabto ayaa ku baahday Mareykanka, hase-yeshee kaarkan cas ayaa la rumeysanyahay in xaaladda uu wax ka badeli karo.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this