Sign in to follow this  
Deeq A.

War murtiyeedka shirkii beelaha Habarjeclo ee galabta Burco ka furmay iyo qodobada ka soo baxay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warmurtiyeedka shirkii beelaha East Burco Clan ee galabta Burco ka furmay iyo qodobada ka soo baxay.

Qodobada War-murtiyeedka

1️⃣ Beesha East Burco Clan waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisa uga mahadcelinaysaa go’aanka qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.

2️⃣ Beesha East Burco Clan waxay si buuxda u soo dhoweysay qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, iyada oo u aragta talaabo muhiim u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

3️⃣ Guddida Guud ee Beesha East Burco Clan iyo Salaadiintu waxay magacaabayaan Guddiga Farsamo oo ka shaqayn doona hannaanka qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.

4️⃣ Guddiga Farsamada wuxuu Xukuumadda kala shaqayn doonaa habsami u socodka iyo hirgelinta qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, iyadoo la is waafajinayo baahida amniga iyo qaab-dhismeedka cusub ee qaramaynta.

Shirku wuxuu ku dhammaaday jawi deggan, midnimo iyo wadajir ay ka muuqato.

Allaa Mahad Leh.

#Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this