Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadashay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Buqdharkayn.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadashay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Buqdharkayn.

“Maleeshiyaad hubaysan oo ku ab-tirsada kooxaha la baxay Khaatumo ayaa weerar kusoo qaaday dad shacab ah oo baraagahooda ka dhaansanaya deegaanka Buqdharkayn, iyagoo u socday dhaca xoolaha nool.

Dadka deegaanka ayaa si adag iskaga difaacay duullaanka gaadmada ah ee kooxaha hubaysani kusoo Qaadeen Dadka Shacabka Ah, iyagoo La gaadhsiiyay jab wayn.

Xukuumadda Somaliland waxay u sheegaysaa dawladaha gobolka iyo Beesha Caalamka in kooxaha hubaysan ee la baxay Khaatumo ay halis ku yihiin amniga mandaqadda, isla markaana aanay dawladda Somaliland u dul-qaadan doonin duullaanada gaadmada ee Ay soo qaadayaan.

Annaga oo ka xun in Firdhiye uu bisha barakaysan ee Ramadan u arko dhiig uu daadiyo guul siyaasadeed, isla markaana colaad kaga dhex abuuro dadka walaalaha ah.

Somaliland waxay diyaar u tahay nabad-ku-wada-noolaanshaha mandaqadda.

Bashiir Cabdi Cabdilaahi.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this