Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay…

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-wasiirrada.jpg?fit=2048%2C1366&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur-goboleedka IGAD.

Heshiiskan ayuu goluhu ku tilmaamay mid xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.

Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah urur-goboleedka IGAD, waxayna haatan kamid tahay hoggaankiisa. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ururkan ka tahay ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD.

IGAD ayaa hore ula safatay Dowladda Federaalka Soomaaliya xilligii ay taagneyd xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo salka ku haysay xadgudubkii ay Addis Ababa kula kacday qarannimada Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa markaas si wadajir ah uga soo horjeestay xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida dhuleed ee JFS. Sidoo kale, waxay hoosta ka xarriiqeen waajibnimada ah in Dowladda Federaalka ay saxiixdo heshiis kasta oo lala galayo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii maanta ee Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

Golaha ayaa shacabka ku wargeliyey inay ka fogaadaan aagagga ku dhow goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, maadaama dowladdu qorshaynayso weerarro cirka iyo dhulka ah, sida ay sheegtay.

Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto dadka baraha bulshada ku faafiya wararka been-abuurka ah ama la macaamila kooxda Al-Shabaab.

Qofkii lagu helo falalkan waxaa lala tiigsan doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga, oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago iyo in la mariyo ciqaab adag oo sharciga waafaqsan.

The post Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this