Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo wada-hadal sir ah la billaabay ururka Xamaas – Maxaa isbedelay?

Recommended Posts

Deeq A.   
25mideast-crisis-Trump-vjwk-superJumbo.w

Gaza (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Arbacadii xaqiijiyay wadahadallo toos ah oo aan horay loo arag oo ay la yeesheen Xamaas, iyagoo diiradda saaray arrinta la haystayaasha, xilli Israa’iil ay ku hanjabtay inay dib u billaabi doonto dagaalka ay ka waddo Gaza, inkastoo xabbad-joojin jilicsan ay jirto.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ergayga Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha la haystayaasha, Adam Boehler, uu wadahadallo la yeeshay Xamaas, kuwaas oo diiradda lagu saarayay muwaadiniinta Mareykanka ee weli lagu haysto Gaza.

“Israa’iil waa lagala tashaday arrintan,” ayay tiri Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo la hadashay wariyeyaasha.

“Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay in la hadalka dadka caalamka si loo ilaaliyo danta Mareykanka ay tahay arrin sax ah,” ayay raacisay.

Xamaas ayaa sidoo kale Arbacadii xaqiijisay in ay wadahadallo toos ah la yeesheen ergay Mareykan ah oo ku saabsanaa sii deynta la haystayaasha Gaza lagu haysto.

“Dhowr xiriir ayaa dhexmaray Xamaas iyo wakiillo Mareykan ah, tii ugu dambeysayna waxay ahayd mid lala yeeshay ergay Mareykan ah, waxaana looga hadlay la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo haysta dhalashada Mareykanka, kuwo nool iyo kuwo dhintay labadaba,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xamaas oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in “laba kulan oo toos ah ay dhawaan ku dhexmareen masuuliyiin ka tirsan Xamaas iyo Mareykanka magaalada Dooxa.”

Tan iyo markii Mareykanku mamnuuceen Xamaas sannadkii 1997 iyagoo u aqoonsaday urur argagixiso, ma aysan la yeelan xiriir toos ah. Hase yeeshee, Leavitt ayaa sheegtay in ergayga arrimaha la haystayaasha uu xilkiisa u ogolaanayo inuu la hadlo cid kasta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in Israa’iil lala tashaday, wuxuuna war-saxaafadeed ku sheegay in ay “soo jeediyeen aragtidooda” ku aaddan wadahadallada tooska ah.

Wadahadalladan ayaa markii ugu horraysay waxaa laga soo xigtay warbaahinta Axios ee Mareykanka, kaas oo sheegay in Boehler uu Xamaas kula kulmay Qatar si uu uga wada hadlo muwaadiniinta Mareykanka ee la haysto, iyo sidoo kale xabad-joojin waqti dheer ah.

Waxaa la rumeysan yahay in shan muwaadin oo Mareykan ah ay weli ku jiraan la haystayaasha la qafaashay intii lagu jiray weerarkii ballaarnaa ee Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Afar ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, halka kan kale, Edan Alexander, la rumeysan yahay inuu weli nool yahay.

– Israa’iil oo hanjabtay –

Wejigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa dhammaaday dhammaadkii toddobaadkii hore kadib lix toddobaad oo xasillooni ah, taasoo la isku badalaynayay la haystayaal Israa’iili ah iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil.

In kasta oo Israa’iil ay sheegtay inay rabto in wejigan koowaad la gaarsiiyo bartamaha April, Xamaas ayaa ku adkeysanaysa in loo gudbo wejiga labaad, kaasoo horseedi lahaa dhammaadka buuxa ee dagaalka.

Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dhammaadka wejiga koowaad in ay joojisay dhammaan sahaydii iyo agabkii gali jiray Gaza, oo burbur xooggan uu soo gaaray kadib sannad iyo bar weerarro Israa’iil ka geysatay halkaas.

“Xamaas dhab ahaantii waa la garaacay si xun, laakiin weli lama jabin. Howsha weli lama dhammayn,” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Israa’iil, Eyal Zamir.

Hadaladiisa ayaa u muuqday kuwo la mid ah digniintii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ahayd “waxaad arki doontaan cawaaqib aan la qiyaasi karin” haddii Xamaas aysan sii dayn la haystayaasha.

Dhammaan 251 qof ee la qafaashay intii lagu jiray weerarkii Xamaas, waxaa weli Gaza ku harsan 58, oo 34 ka mid ah ay Israa’iil xaqiijisay in ay dhinteen.

Faransiiska, Britain iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah Arbacadii u sheegay in xaaladda bini’aadannimo ee Gaza ay tahay “musiibo,” iyagoo ugu baaqay Israa’iil in ay fududeyso gargaarka bini’aadantinimo.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in xannibaadda Israa’iil ee gargaarka Gaza tan iyo dhammaadka toddobaadka ay la mid tahay in macaluul loo adeegsado hub dagaal.

Weerarkii Xamaas ayaa sababay dhimashada 1,218 qof, intooda badan shacab, halka weerarka Israa’iil ay kusii dileen ugu yaraan 48,440 qof oo kale, iyaguna u badan dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen labada dhinac.

– Shaki laga muujiyay qorshaha Carabta –

Madaxweyne Trump ayaa ballanqaaday taageero ballaaran oo Israa’iil la siiyo, isagoo xitaa soo jeediyay in Gaza la qabsado lagana raro dadkeeda, taasoo si weyn looga cambaareeyay caalamka.

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa isku dayay inay taageero ay u helaan qorshe kale oo ay soo bandhigeen, kaasoo Gaza dib loogu dhisayo iyada oo loo marayo sanduuq dhaqaale.

Qoraal qabyo ah oo AFP ay aragtay ayaa xusayay in qorshuhu yahay mid shan sano ah oo ku kacaya $53 bilyan, taasoo u dhiganta qiyaasta QM ee dib-u-dhiska Gaza, hase yeeshee tiradaas laguma sheegin bayaankii ugu dambeeyay ee shir-madaxeedka.

Shirku wuxuu sidoo kale ku baaqay in wakiilnimada Falastiiniyiinta lagu mideeyo hoos tagga Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), kaasoo ah kooxda siyaasadeed ee ugu weyn Maamulka Falastiiniyiinta, tallaabo keeni karta in Xamaas la dhaafiyo, maadaama aysan xubno ka ahayn ururkaas.

Si kastaba ha ahaatee, suurtagalnimada ah in Maamulka Falastiiniyiinta uu Gaza dib u maamulo weli waa mid aan la hubin, maadaama Israa’iil ay gebi ahaanba diidday doorkooda mustaqbalka ee Gaza, oo Xamaas ay xukumaysay tan iyo 2007.

Hugh Lovatt, oo ah falanqeeye ka tirsan Golaha Xiriirka Dibadda ee Yurub, ayaa sheegay in qorshahan cusub uu yahay “mid ka dhabta ah marka loo eego waxa ay Trump wadaan marka la eego hirgelintiisa.”

Hase yeeshee, Ghassan Khatib, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Falastiini ah iyo wasiir hore oo ka tirsan Maamulka Falastiiniyiinta, ayaa shakiga geliyay hirgelintiisa, isagoo tilmaamay caqabadaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee hortaagan.

“Labada dhinac ee Gaza ka jira waa Israa’iil iyo Xamaas… labadoodana mowqifyadoodu ma waafaqsana qorshahan,” ayuu yiri.

“Ma jirto fursad ay Israa’iil kaga tanaasulayso qorshaha Trump oo ay ku aqbalayso midka Carabta. Taasi suurtagal ma aha.”

The post Mareykanka oo wada-hadal sir ah la billaabay ururka Xamaas – Maxaa isbedelay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this