Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin yaab leh oo aan horey loo ogeyn oo ka soo korortay kiiska Ladan Mohamed Ali

Recommended Posts

Deeq A.   
Ladan-Mohamed-Ali.jpeg?fit=1232%2C949&ss

Minneapolis (Caasimada Online) – Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay isku dayday inay laaluush siiso xeerbeegti intii lagu guda jiray maxkamadayntii ugu horreysay ee kiiska Feeding Our Future sanadkii hore, iyadoo sidatay boorso ay ku jiraan $120,000 oo lacag caddaan ah, ayaa sidoo kale gacanta ku haysay shirkad heshay ugu yaraan $1.6 milyan oo ka timid hay’ado kale oo ku lug lahaa khiyaanadaasi, sida lagu sheegay dukumeenti maxkamadeed oo Talaadadii la shaaciyey.

Ladan Mohamed Ali, oo 31 jir ah kana soo jeeda Seattle, ayaa sannadkii 2018 ka hirgelisay St. Paul shirkad cunto-sameeye ah oo la yiraahdo Afro Produce, sida ku cad diiwaanka shirkadaha ee Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota.

Sanadihii 2020 iyo 2021, Afro Produce waxa lagu xusay inay tahay shirkad cunto keenta oo la shaqaynaysa shirkado ay gacanta ku hayaan dad horay u qirtay dambiyo la xiriira khiyaanadii lagu lunsaday $250 milyan oo laga xaday barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dowladda federaalka Mareykanka, sida ku cad gal-dacwadeedka iyo markhaatifurkii maxkamad ka socota bishan oo la xiriirta kiiska agaasimihii Feeding Our Future, Aimee Bock, iyo gacan-yarihiisii la tuhunsanaa, Salim Said.

Bock ayaa lagu eedeeyay inay hoggaaminaysay qorshaha laaluushka iyo wax is-dabamarinta, mid ka mid ah khiyaamooyinkii ugu waaweynaa ee la xiriiray deeqaha la bixiyay xilligii COVID-19.

Pauline Roase, oo ah xisaabiye la socodka dhaqaalaha oo ka tirsan FBI, ayaa Talaadadii ka marag furtay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo sheegtay in baaritaankeedii la xiriiray xisaabaadka bangiga ee Afro Produce aysan u suuragelin inay ogaato haddii wax cunto ah dhab ahaan la iibsaday iyo in kale, iyo haddii ay yihiin xisaab-xiryo la been abuuray.

Warqad baaritaan oo Talaadadii la shaaciyey ayaa xustay in sarkaalka FBI Kevin Kane uu sheegay in tuhmanayaashu ay Afro Produce u adeegsadeen inay raadkooda qariyaan, iyagoo gudbinaya “qaansheegad been abuur ah” oo muujinaysa iibsashada cunto aan waligeed la keenin. Shirkaddan fadhigeedu wuxuu ahaa St. Paul, cinwaankeeduna wuxuu ahaa 2554 Como Av.

Qaansheegado la mid ah kuwaasi ayaa la hor keenay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo wakiillada FBI ay soo bandhigeen dukumentiyo Afro Produce ay ku sheegtay inay siisay shirkado lagu eedeeyay inay khiyaaneeyeen barnaamijka cuntada oo malaayiin dollar lagu lunsaday.

Warqadda baaritaanka ayaa muujisay in Ladan ay heshay “jeegag waaweyn” oo ka yimid Afro Produce intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022. Dukumeentigu wuxuu xambaarsan yahay koobiyada saddex jeeg oo isku dar ahaan lagu siiyay $40,000, laguna qoray magaca Ladan.

Qareenka Ladan, Eric Newmark, ayaa Talaadadii sheegay inuusan wali arkin warqadda baaritaanka, wuxuuna ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo.

Ladan waxa kale oo ay xiriir la lahayd Gar Gaar Family Services, oo ah hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay Minneapolis, taasoo ay Waaxda Waxbarashada Minnesota ka saartay barnaamijka cuntada dabayaaqadii 2021, kadib markii ay heshay in ka badan $21 milyan oo magdhow ah oo lagu sheegay in lagu quudiyey 7 milyan oo cunno ah.

Sida ku cad warqadda baaritaanka, Ladan waxay Gar Gaar u xustay inay tahay shaqa-bixiyeheedii markii ay furtay xisaab bangi sanadkii 2021.

Mulkiilayaasha Gar Gaar Family Services laguma soo oogin wax dacwad ah. Hay’addu waxay racfaan u gudbisay Maxkamadda Racfaanka Minnesota si ay u buriso go’aankii dowladda, balse maxkamaddu waxay xukuntay in gobolka uu u maray xeerarka federaalka. 

Gar Gaar waxa ay oggolaatay inay xirto howlaheeda sanadkii hore, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Keith Ellison uu baaris ku sameeyay, taasoo lagu ogaaday inay jebisay sharciyada la xiriira hawlgalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda maaliyadeed.

Ladan waxay qiratay dambiga maxkamadeed xagaagii hore, iyadoo ogolaatay inay jeebkeeda ku shubatay $80,000 oo ay siisay difaacayaal maxkamadaysan si ay laaluush ugu siiso xeerbeegti.

Falkaasi oo aad u dhif ah—oo ah isku daygii ugu horreeyay ee laaluush xeerbeegti ah Minnesota ka dhaca muddo ka badan 60 sano—waxay xeer-ilaaliyayaashu ku tilmaameen weerar ka dhan ah nidaamka cadaaladda.

Arrintan ayaa keentay in garsooraha kiiska uu xeerbeegtida go’doomiyo si loo sugo badqabkooda, iyagoo xukminayay kiiska sannadkii hore. Tallaabooyin amni oo dheeraad ah ayaa lagu kordhiyay maxkamadda, si gaar ahna loogu dabaqay dacwadda socda ee bishan.

Maxkamadda xigta ee Ladan waxay dhici doontaa Khamiista, waxaana lagu falanqayn doonaa haddii ay jebisay shuruudihii xabsiga lagaga sii daayay, kadib markii lagu xiray dambiga DWI bishii Febraayo.

Sida lagu xusay dacwad ka furan Maxkamadda Degmada Hennepin, sarkaal ka tirsan State Patrol ayaa joojiyay Ladan kadib markii ay si kadis ah u jiirtay gaari kale, ka dibna goobta ka carartay. Baaritaanka neefta ee la qaaday ayaa muujiyay in heerka khamriga dhiigeedu ahaa 0.28%.

The post Arrin yaab leh oo aan horey loo ogeyn oo ka soo korortay kiiska Ladan Mohamed Ali appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this