Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo war ka soo saartay hooyo ku geeriyootay GEDO kadib tallaabadii DF

Recommended Posts

Deeq A.   
349157438_1303057743754425_5521108011403

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyed ee Jubbaland ayaa ka hadlay dhacdo argagax leh oo ka dhacday gobolka Gedo, kadib markii hooyo Soomaaliyeed oo umul ahayd ay silac dartiis ugu geeriyootay degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiyo Xuseen ayaa markii ay umushay kadib waxa lasoo daristay xaalad adag oo wax laga qaban kari waayey isbitaalka degmada.

Waxay ehelladooda waayeen diyaarad soo qaada maadaama weli xayiraadda dowladda federaalka ay saaran tahay gobolka Gedo, iyada oo markii dambe lasoo saaray gaari, nasiib xumase geeriyootay intii lagu soo jiray waddada.

Jubbaland oo arrintan si adag uga hadashay ayaa marka hore tacsi u dirtay ehellada marxuumadda, waxaana intaasi kadib mas’uuliyadda dhacdadan xanuunka leh dhabarka u saartay dowladda dhexe.

“Dowladda Jubbaland waxay aad uga xuntahay cunaqabataynta iyo xayiraadaha sharci-darrada ah ee saaran diyaaradaha ka degi lahaa gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

Waxa uu intaas kusii daray “Silicii iyo duruufihii ay Farxiya ku dhimatay, mas’uuliyaddeeda waxaa Alle hortii iyo shacabka Soomaaliyeed kula xisaabtamaya madaxdii cunaqabataynta duulimaadyada kusoo rogay gobolka Gedo”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeysiran:-

Allaha u naxariisto Farxiya Xuseen. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkeeda, qaraabadeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, innagoo Ilaahay uga baryeyna inuu sabar iyo iimaan ka siiyo.

Farxiya waxay ahayd hooyo Soomaaliyeed, kadib markii ay umushay waxay la kulantay xanuun iyo dhiigbax, waxna lagama qaban karin magaalada Baardheere.

Dhakhaatiirta waxay ku taliyeen in loo qaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee dhammaan garoomada gobolka Gedo way xiran yihiin, taasoo ay xirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Farxiya waxay 14 maalmood oo silac ah kula jirtay xanuunkii magaalada Baardheere, ugu dambeyntiina way geeriyootay. Si aan arrintaan u xaqiijino, waxaan la xiriirnay maamulka degmada Baardheere.

Silicii iyo duruufihii ay Farxiya ku dhimatay, mas’uuliyaddeeda waxaa Alle hortii iyo shacabka Soomaaliyeed kula xisaabtamaya madaxdii cunaqabataynta duulimaadyada kusoo rogay gobolka Gedo.

Dowladda Jubbaland waxay aad uga xuntahay cunaqabataynta iyo xayiraadaha sharci-darrada ah ee saaran diyaaradaha ka degi lahaa gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.

W/Q: Wasiirka Warfaaftinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Jubaland.

Cabdifatax Maxamed Mukhtaar.

The post Jubaland oo war ka soo saartay hooyo ku geeriyootay GEDO kadib tallaabadii DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this