Sign in to follow this  
Liibaan

Masar ayaa shaacisay inay taageero dhinac walba leh siinayso Dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Liibaan   

Dowladda Masar oo shaacisay inay dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso sidii nabad iyo daganaasho loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya

 

Axad, January 24, 2010(HOL): Dowladda Masar ayaa shaacisay inay taageero dhinac walba leh siinayso Dowladda Soomaaliya, si ay u suurogasho in dib loo soo celiyo ammaankii iyo xasiloonidii lagu yiqiin dalka geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya.

 

Kaaliya Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ee Arrimaha Afrika Muna Cumar oo war-fidiyeenka kula hadashay Magaalada Qaahira ayaa sheegtay in dowladdeedu ay go'aansatay inay si weyn u taageerto dowladda Soomaaliya.

 

"Masar waxay aad uga walaacsan tahay dagaalada ka socda Soomaaliya iyo dhibka ku dhacaya dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana doonaynaa inaan gacan ka geysano sidii loogu soo celin lahaa dagaansho buuuxda" ayay tiri Muna Cumar.

 

Saraakaladan waxay sheegtay in dalkeeda ay ka go'an tahay siduu isku garab taagi lahaa dalka Soomaaliya oo ay walaalo yihiin, qaybna uga qaadan lahaayeen dib u soo celinta ammaanka iyo xasilloonida dalka.

 

"Go'aankeenu waa inaan kaalin muhim ah ku yeelano sidii ammaanka dib loogu soo celin lahaa, dadka shacabka ah ee dhibaateysanna loo gaarsin lahaa gargaarka aadamnimo ee ay u baahan yihiin" ayay Muna Cumar u sheegtay warbaahinta.

 

Dalka Masar ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay inay gargaar siinayaan dowladda Soomaaliya, iyadoo gargaarkan ay ballanqaadeen aysan sheegin noociisa iyo xilliga ay geyn doonaan Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this