Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladihii qaranka Somaliland soo maray oo dhan waxa mar kasta dhibaato ku hayay

Recommended Posts

Deeq A.   

DAWLADIHII QARANKA S. LAND SOO MARAY WAXA MAR KASTA DHIBAATO KU AHAA XILDDOON.

IMG-20250225-WA0015.jpg
Dawladihii s. Land soo maray waxa dhibaato weyn ku ahaa qof xil doonaya iyo qabiil u doonaya, markuu xilka gudanwaayo ee la eryona kooxdii keentay ayaa buuq abuuraysa.

Dadka s. Land waa lix million in ka badan ilaa saddex million dad gaadhaya ayaa sare u eegaya inay dawladda wax ka helaan taasina waa ta suura gelisa inuu danaystuhu (siyaasigu) hadbba Weji u adeegsado shicibkaas dawladda wax ka sugaya.

Waxa is weydiin mudan xilalku waa Immisa shaqaaluhu waa Immisa ma malaayiinbbaa jawaabtu waxay tahay xilalku waa intaas jirta shaqaaluhuna waa intaas joogto waana reer s. Land waxaanay u baahantay in dadka laga wacyigeliyo caqabadda XILDDOONKA iyo shaqaddoonka ah ee ay hor socdaan waayeelku.

Waddanka waxa ku socda dagaal cadow oo dhan kasta leh waxaana waajib ah in difaaciisa dhan looga soo Wada jeesto oo aan lagu mashquulin maskabyo shaqsiyaad la siiyo iyo dano gaar ah maanta waa maalintii difaaca qaranka s. Land.

MAHADSANID.
CABDI BACAW
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this