Sign in to follow this  
Juje

Maxkamadaha Islaamiga ah oo qafaashay wadaad

Recommended Posts

Juje   

Dabley ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah oo qafaashay wadaad Masjid ka wacdnayay

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 21/12/06

 

Koox dabley ah oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa afdubtay wadaad ka wacdinyay Masjid ku yaala degaanka Siinaay ee degmada Wardhiigley, halkaasoo uu ka jeedinayay muxaadaro ku saabsan Salaadda iyo Xajka oo labada tiir ee ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

 

Wadaadkan oo lagu magacaabo Sheekh C/raxmaan Nuuriye ayaa ka soo jeeda beelaha hubeysan ee degan magaalada Muqdisho, iyadoo dabeydii qafaalatay ay ula dhaqaaqeen meel ka fog halkii uu muxaaarada ku qabanayay, waxaana mar gaarigii uu saarnaa oo ay wateen dableyda Maxkamadaha ay ku soo xoomeen dadweyne ku sugan agagaarka xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya ee bartamaha magaalada Muqdisho, ay ka meermeereen ciidamadii watay inay caddeeyaan sababtii ay ku qafaasheen wadaadkaasi oo ay xornimadiisa uga qaadeen.

 

Sheekh C/raxmaan Nuuriye ayaa isagoo saran gaarigii ay wateen ciidamada Maxkamadaha waxa uu sheegay in la soo qabtay isagoo faafinaya faa'iidooyinka Salaadda iyo Xajka u leeyihiin ummadda Muslimiinta ah, "Hadaan la sheegi Karin Salaadda iyo Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka oo laxirayo cidii ka hadasha iftiinka Islaamka ha noo sheegeen Maxkamadaha dalka waan uga dhoofeynaa" ayuu cod dheer ku yiri Sheekh Nuuriye oo sheegay in Maxkamaduhu isku koobayaan ka hadalka awaamiirta diinta Alle SWT, taasna aan laga aqbali doonin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Hadaan la sheegi Karin Salaadda iyo Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka oo laxirayo cidii ka hadasha iftiinka Islaamka ha noo sheegeen Maxkamadaha dalka waan uga dhoofeynaa"

:eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this