Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo dalbaday in deg-deg wax looga qabto arrin…

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif-Kheyre-CC.jpeg?fit=2500%2C1500&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ku taageeray ciidanka geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.

Saddexdan masuul ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto sababaha keenay in maanta ay duulaan yihiin argagixisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamayaashii deegaanka, dibna u qabsadeen qaar kamid ah deegaannadii horey looga xoreeyay.

“Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamayaasha deegaanka ee Macawiisleyda ee argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diriraya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in hoggaanka dalka ay mar walba ku garab taagan yihiin la-dagaallanka argagixisada, iyagoo ka digay in khilaafka siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

“La-dagaalanka argagixisada waa ajande qaran waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa inuu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul qaran oo dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, dhexdana dhigo tallada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamyayaasha deegaanka ee Macawiisleyda ee Argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diriraya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle.

Argagaxisadu waxa ay duullaan ku yihiin dalkeenna, dadkeenna, diinteena iyo dowladnimadeenna, in la iska difaacana waa waajib diini, damiiri, iyo mid waddani ah, waxaana bogaadinaynaa guud ahaan naftood-hurayaasha xaq-u-dirirka ah ee kula diriraya furimaha dagaalka.

Waxaan mar walba hoggaanka dalka ku garab taagnayn la dagaallanka argagaxisada, innagoo dhowr jeer oo hore si hoose iyo si hoosba ugu dignay in khilaafa siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagaxisada.

Laakiin, taa beddelkeeda wuxuu Madaxweynaha dagaal la galay dowlad-goboleedyada qaarkood, wuxuu beddelay dastuurkii dalka ee heshiiska lagu ahaa, wuxuu samaystay shuruuc iyo guddi doorasho oo ku jaango’an damaciisa siyaasadeed, wuxuuna hakiyay hawlgalladii dalka looga ciribtirayay khawaarijta, taas oo sababtay in ay soo laba kacleeyaan weerarradii argagaxisada oo sii naf baxaysa, niyadjabna ku riday shacabka, ciidanka qaranka, iyo halgamyayaasha deegaanka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay in ay maanta duulaan yihiin argagaxisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamyayaasha deegaanka, dibna u qabsadeen qaar ka mid ah deegaannadii horay looga xoreeyay.

La dagaallanka iyo ciribtirka argagaxisadu waa ajande qaran, waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran, iyo siyaasad loo dhan yahay.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul qaran oo dalka looga ciribtirayo khawaarijta, dibna loogu dhiso talada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka, doorashooyinka, talo-is-keliyeynta iyo xaraashka dhulka danta guud, si loogu midoobo, meeshana looga soo wada jeesto argagaxisada arxanka daran ee duullaanka ku ah noloshayena iyo qarannimadeenna.

The post Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo dalbaday in deg-deg wax looga qabto arrin… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this