Sign in to follow this  
Deeq A.

ITOOBIYA ma waxay rabtaa wax ka baxsan deked? – Wax badan ogow

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-iyo-Xasan-scaled.jpg?fit=2560%2C170

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale ku celisay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda.

Tan ayaa imanaysa xilli uu khilaaf kala dhexeeyo qaar kamid ah waddamada ay deriska yihiin. Intii uu socday khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya waxay sameysteen isbahaysi wadajir ah.

Hase yeeshee, Eritrea iyo Masar oo doonaya inay xoojiyaan awooddooda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor yimid qorshahan.

Haddaba, rabitaanka Itoobiya ee Badda Cas, saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa siyaasadda Geeska Afrika?

Xiisaddan ayaa gobolka u wanaagsaneyn, kana ridi karta xasarado horleh haddii Itoobiya kusii adkeysato damacan guracan, ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cismaan Gaas oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.

“Halista ii muuqata waa in la wada-hadli waayo, oo gobolku wada fariisan waayo, kadibna isku dayaan in xoog isku maquuniyaan oo mid walba damaca uu leeyahay muruqiisa ku gaaro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cismaan oo la hadlay BBC.

Deked mise bad ay yeelato ayey rabtaa Itoobiya?

Itoobiya ayuu sheegay inay rabto marin biyeed wax ka weyn, oo waxay isku arkaan in baddaas maamulkeeda qeyb ka noqdaan, “Sida keliya ee qeyb uga noqon karaan maamulka badda waa inay helaan meel ay maamulaan oo badda ku taalla,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Gass.

Itoobiya ayaa rabta inay hesho dhul badeed ay maamulkeeda u madax-banaan tahay, taas oo sida muuqata aysan ka heli doonin dalalka deriskeeda, oo iyagu keliya ula diyaar ah ‘deked ganacsiyeed’ aan macno badan ka goyn rabitaankan.

Inkasta oo Itoobiya ay haatan naf bideyso wada-hadalladda Ankara, haddana uma muuqato inay wax weyn u goyn doonaan, maadaama ay xasaasiyad gaar ah ka qabaan dadka Soomaaliyeed.

Ajnedaha Ankara qeyb ma ka tahay doodda Itoobiya?

Sida aya sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya marnaba miiska ma saarna in Itoobiya la siiyo bad ama xitaa laga dooddo, taas beddelkeedana ay tahay in laga wada xaajoonayo sidii ay Itoobiya sida dalalka deriska ah u adeegsan laheyd dekedaha Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo dhawaan wareysi bixiyay, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gorgortan ka galeyn in dhul Soomaaliyeed la siiyo dal kale.

“Annaga waxaan mas’uul ka nahay Soomaaliya, in aan danaheeda ilaalinona waa waajib naga saaran. Marnaba wax ogolaanaya in dhul Soomaaliyeed cid kale yeelato kama shaqeynayno, miiskana ma saarno,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ka duwan isticmaalka dekedaha oo ay ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ogolaan doonin wax ka baxsan arrintan.

The post ITOOBIYA ma waxay rabtaa wax ka baxsan deked? – Wax badan ogow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this