Jacaylbaro Posted June 4, 2007 hadhwanaag 2007-06-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. C/laahi Xuseen Iimaan Darawal oo maalmahanba ku sugna Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceergaabo ayaa maanta xarunta Gobolka Sanaag ee Ceergaabo kula shiray cuqaasha iyo waayeelka Gobolka Sanaag. Wasiir Darawal waxa uu kala hadlay cuqaasha iyo waayeelka sidii kor loogu qaadi lahaa adeega Caafimaad ee sii liita, isla markaana waxa uu cadeeyey inuu sameyndoono gudi Caafimaadka oo xoog badan oo wax ka tarta adeegyada Caafimaadka.waxaanu xusay inuu keeni doono dhakhaatiir Caafimaadka oo isugu jirta ajanebi iyo muwaadinin oo wax ka qabta hawlaha Caafimaadka. Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal] ayaa waxa uu waayeelka iyo madax dhaqameedka kala hadlay sidii ay kor u qaadi lahayeen waxbarashada. “Waxaan u sheegayaa Madax dhaqameedka iyo waayeelka sidii ay dawlada iyo shicibna looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadida iyo dardargelinta adeega caafimaad ee cisbitaalka Magaalada Ceergaabo.” Ayuu yidhi. Wasiir Darawal waxa uu farta ku fiiqay inay sameeyndoono gudi, isla markaana loo baahan yahay inay xafitaan, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaan sameyndoonaa Gudi caafimaad oo awood badan, oo ka shaqeeya hawlaha caafimaadka, waxaanan keenidoona Cisbitaalka dhakhaatiir caafimaad oo isugu jira ajaanib iyo muwaadinin” “Waxaan ka codsanayaa shacbiga reer Sanaag inay soo dhaweeyaan dhakhaatiirta oo ay xafidaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland. Md. C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal]. Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal] waa markii ugu horeysay ee uu booqdo Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceergaabo tan iyo markii loo magacaabay jagada wasiirka Caafimaadka. Quote Share this post Link to post Share on other sites