Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Strong Health Committee in Sanaag Region

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-06-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. C/laahi Xuseen Iimaan Darawal oo maalmahanba ku sugna Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceergaabo ayaa maanta xarunta Gobolka Sanaag ee Ceergaabo kula shiray cuqaasha iyo waayeelka Gobolka Sanaag.

 

Wasiir Darawal waxa uu kala hadlay cuqaasha iyo waayeelka sidii kor loogu qaadi lahaa adeega Caafimaad ee sii liita, isla markaana waxa uu cadeeyey inuu sameyndoono gudi Caafimaadka oo xoog badan oo wax ka tarta adeegyada Caafimaadka.waxaanu xusay inuu keeni doono dhakhaatiir Caafimaadka oo isugu jirta ajanebi iyo muwaadinin oo wax ka qabta hawlaha Caafimaadka.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal] ayaa waxa uu waayeelka iyo madax dhaqameedka kala hadlay sidii ay kor u qaadi lahayeen waxbarashada. “Waxaan u sheegayaa Madax dhaqameedka iyo waayeelka sidii ay dawlada iyo shicibna looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadida iyo dardargelinta adeega caafimaad ee cisbitaalka Magaalada Ceergaabo.” Ayuu yidhi.

 

Wasiir Darawal waxa uu farta ku fiiqay inay sameeyndoono gudi, isla markaana loo baahan yahay inay xafitaan, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaan sameyndoonaa Gudi caafimaad oo awood badan, oo ka shaqeeya hawlaha caafimaadka, waxaanan keenidoona Cisbitaalka dhakhaatiir caafimaad oo isugu jira ajaanib iyo muwaadinin”

 

“Waxaan ka codsanayaa shacbiga reer Sanaag inay soo dhaweeyaan dhakhaatiirta oo ay xafidaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland. Md. C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal].

 

Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal] waa markii ugu horeysay ee uu booqdo Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceergaabo tan iyo markii loo magacaabay jagada wasiirka Caafimaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this