Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo mowqifka Somalia ee Falastiin iyo laba dal oo kale u caddeeyay Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
481904451_1151104683722803_8139975258366

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaiya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa magaalada Qaahira uga qayb-galay shirweyne ay isugu yimaadeen madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso qadiyadda shacabka reer Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha shirka oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin.

Xamza Cabdi Barre oo mar kale caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee qadiyadda Falastiin ayaa xusay sida xooggan ee ay dowladda federaalka u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay  taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha.

Gabagabadii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee  taageerada ka siiya Soomaaliya dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, wxuuna baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado.

481060767_1151104617056143_8710506800283 481787871_1151104657056139_4349475882248 481904451_1151104683722803_8139975258366 481905643_1151104623722809_8867670297379 482086484_1151104650389473_6807294955143

 

The post Xamza oo mowqifka Somalia ee Falastiin iyo laba dal oo kale u caddeeyay Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this