Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo rag loo haysto kiis xasaasi ah ku xirtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
psf-puntand.jpg?fit=1680%2C1120&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland oo xalay howlgallo ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan taageeridda Daacish.

Saddexda nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Macallin Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere), Caamir Cabdi Muuse Cabdi iyo Fahad Maxamed Abshir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Puntland.

Dhammaan raggan ayaa waxaa Booliska uu kusoo eedeeyay inay taageero siinayeen kooxda Daaacish, haddana ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga Puntland.

“Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeysanayaasha haatan ay ku socoto baaris, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag.

Booliska ayaa sidoo kale bulshada uga digay faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahan yahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.

“Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayuu sii raaciyay Taliska Boolisku.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish oo laga xoreeyay dhul ballaaran uu ku yaalla buuraha gobolka Bari oo ah halka la’isku hayo.

The post Puntland oo rag loo haysto kiis xasaasi ah ku xirtay Garoowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this