Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Maxaa galabta ka dhacay Ceelbaraf, caawana ka socda Daarunicma?

Recommended Posts

Deeq A.   
ceelbaraf.jpg?fit=720%2C484&ssl=1

Ceelbaraf (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo cir iyo dhul ah, laguna jebiyey Al-Shabaab, ayaa ka socda deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle. Galabta ilaa caawa, duqeymo aan kala joogsi lahayn ayaa ka socda Ceelbaraf iyo Daarunicma.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo dhowr jiho ka soo galay ayaa maanta weeraray Ceelbaraf, waxaana halkaas lagu laayey Shabaab badan.

Ciidamada dadka deegaanka ayaa dib loo soo abaabulay, Macawiisleyda reer Hiiraan oo maalin ka hor uu rasaas u qeybiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa maanta ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday Ceelbaraf.

Qeyb kamid ah Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidamada ay ku hor carareen oo deegaanka ay isaga baxeen, halka guryaha magaalada Ceelbaraf ay isku dhex-qariyeen Shabaab-kii ugu badnaa ee maalmahaan deegaankaas joogay.

Gabal-dhicii galabta ayaa la sheegay in weerar uu ka bilowday gudaha magaalada, maadaama Al-Shabaab ay galeen guryaha, ciidankuna ay u maleeyeen inay jabiyeen oo iska baxeen.

Magaalada Ceelbaraf ayaa gubaneysa caawa, kadib markii maanta duqeymo xoog leh ay ku garaaceen diyaaradaha dagaalka. Guryihii shacabka iyo goobihii ganacsiga Ceelbaraf ayuu dab is qabsaday, sida ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay magaaladaas.

Ciidamada ayaa caawa fiidkii hore dib uga gurtay degmada Ceelbaraf, waxaana la sheegay in caawa ay ku jirto gacanta Al-Shabaab. Duqeymaha ayaa si is-dabajoog ah uga dhacaya aaggaas.

Khasaaraha ugu badan ee duqeymaha ayaa lagu gaarsiiyey kooxda. Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa la xaqiijiyey in maanta looga gubay inta u dhaxeysa Biyacadde iyo Ceelbaraf.

Saddex gaari oo ka baxay Biyacadde, una gurmanayey Shabaab-kii lagu weeraray Ceelbaraf, ayaa sida ay Caasimada Online u xaqiijisay, lala helay gantaalo, halkaasna ay ku bas-beeleen.

Dhinaca kale, deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, waxaa caawa ka dhacaysa duqeyn aan kala joogsi lahayn oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar, iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma.

Deegaankaas waxaa joogta kooxda Al-Shabaab, oo dagaal la’aan la wareegtay maalmo ka hor, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada deegaanka oo aad u tiro yaraa.

Qorshaha dowladda waa in maalmo kooban lagu soo afjaro Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

The post Warbixin: Maxaa galabta ka dhacay Ceelbaraf, caawana ka socda Daarunicma? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this