Deeq A. Posted March 4 Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland, oo weli howlgallo ka wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish. Saddexda nin, oo haatan ku jira gacanta hay’adaha amniga, ayaa lagu qabtay agagaarka Dooxada Teedsan Uur-caleed, oo u dhow laamiga dheer, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Xogta raggan ajaaniibta ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka deegaanka, kadibna waxaa howlgalay oo sidaas kusoo qabtay ciidamada ammaanka Puntland, kuwaas oo haatan baaris ku haya ajaaniibta gacanta lagu dhigay. Sidoo kale, saddexda nin ayaa laga helay dhaawacyo rasaaseed iyo astaamo kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland. “Ciidanku waxay qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u rogmanaysa xagga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaana laga helay rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Dhanka kale, howlgallada oo weli sii socda ayaa jab lagu gaarsiiyay Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari. Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay in ka badan 100 dagaalyahan, kuwaas oo u badnaa ajaaniib. Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 dagaalyahan, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay, sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.The post Puntland oo nolosha ku qabatay ajaanib Daacish ah appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites