Deeq A. Posted March 4 Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tegga Imaaraadka Carabta ayaa taageero weyn u fidisay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland, kuwaas oo haatan dagaal adag kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari. Imaaraadka ayaa gaadiidkii ugu badnaa oo gaaraya illaa 80 baabuur oo nooca dagaalka ah siiyay ciidamada Puntland, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Daacish. Gaadiidkan, oo lagu keenay markab weyn, ayaa laga soo saaray dekedda magaalada Boosaaso, isaga oo ka yimid magaalada Abu Dhabi, caasimadda dalka Imaaraadka Isu-tegga Carabta, waxaana si toos ah ula wareegay hoggaanka sare ee maamulka Puntland. Deeqdan ayaa timid xilli loo baahnaa, maadaama Puntland ay ku hawlan tahay sidii ay isaga xoreyn lahayd kooxda argagixisada ah ee gabaadka ka dhigtay buuraha gobolka Bari. Imaaraadka ayaa kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka qayb-qaata dagaalka socda, wuxuuna hawada ka taageeraa ciidamada ammaanka Puntland ee ku jira halganka adag. Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka Carabta dhawaan ka geystay aagga buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay hore u sheegtay Puntland. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerta ciidamada Puntland, waxayna ka gacan siisaa dhaqaalaha, tababarka, iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin. Marka laga soo tago Imaaraadka, waxaa isna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka, oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare culus gaarsiiyay Daacish. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socday dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.The post Puntland oo heshay gaadiid dagaal oo cusub + Dalka siiyay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites