Deeq A. Posted March 4 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la buuxiyay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, xarunta maamulka Galmudug. Kursigan, oo tirsigiisu ahaa HOP#248 una horay ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka. Saadaq Joon ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA). Doorashada maanta, oo uu qabtay Guddiga Doorashooyinka Qaranka—kaas oo weli sharci ahaantiisa lagu muransan yahay—ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo aaddan la buuxiyo kuraasta kale ee ka bannaan baarlamaanka. Kuraasta bannaan waxaa ka mid ah kursigii uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, iyo laba kursi oo kale oo ay ka geeriyoodeen AUN Xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey. Tallaabadan ayaa timid kadib markii 25-kii bishii lasoo dhaafay, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, uu warqad u diray Guddiga Doorashooyinka, kuna dalbaday inay si dhakhso leh u soo buuxiyaan kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Inta badan buuxinta kuraasta bannaan ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo qaadata, iyada oo marta habraacyo kala duwan, waxaana ugu dambeyn soo xusha beelaha ay metelayaan, sidaasna waxaa lagu qabtaa doorashada oo ku dhacda habka doorashada dadban.The post Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Saadaq Joon? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites