Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Xasan chairs another brawl, this time in Mogadishu

Recommended Posts

Beesha Digil iyo Mirifle oo maanta Shir Gacan ka hadal ka dhashay ku yeesheen Muqdisho (Maxay ka Yiraahdeen Shariif Xasan iyo Maleeshiyooyinka Muqdisho laga saaray)

 

Gacan ka hadal iyo aragti kala duwan ayuu ku dhamaaday shir abaabulkiisa uu lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayna ka soo qeybgaleen xubnaha Xildhibaanada Beesha Digil iyo Mirifle iyo odayaasha iyo waxgaradka beeshaas oo maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka ku jira kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa odayaasha Beelahaas ka dalbadeen inay taageeraan dadaalada Nabadda ka socda Xamar, in laga shaqeeyo sidii Shariif Xasan ku tagi lahaa Baydhabo iyo 2 qodob kale.

 

Shirka oo (Waqtiga Muqdisho 13:00) dhamaaday ayaa odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle waxay ku eedeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada kale inay sabab u yihiin dagaalada ka socda Baydhabo, waxayna sheegeen in maleeshiyada lagu xareeyay Hiil Weyne iyo Laanta Buuro ay yihiin kuwa Difaaca u ah Xildhibaan Xaabsade haddii Baydhabo weerar ku soo qaadan Wasiirada Xudur

 

Intaas kadib ayaa dagaal gacan ka hadal ah waxaa uu dhex maray Xildhibaan Macalin Jiis iyo Nin oday ah oo lagu magacaabayay C/risaaq Maxamed Ibraahim,iyadoo buuq badan iyo khilaaf xun meesha ka dhashay.

 

Waxaa shirkii isaga baxay Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Digil iyo Mirifle,iyadoo Xildhibaannadii keligooda ku soo haray halkii shirka ka socday.

 

Shariif Xasan oo markaasi ku sugnaa Hotelka Saxafi ayaa waxaa uu ku sigtay in lagu bannaanbaxo, wuxuuna ku cararay qolkiisa sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah wariyeyaashii kulankaas ka qeybgalay.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this