Deeq A. Posted March 3 Mannheim (Caasimada Online) – Laba qof ayaa dhintay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari lagu jiiray dad ku sugnaa magaalada Mannheim ee Jarmalka Isniinta, sida ay boolisku sheegeen. Hal qof ayaa loo xiray weerarka. Ciidamada booliska oo hubeysan ayaa xannibay bartamaha magaalada, halkaasoo la arkay gaari burburay oo muraayadda hore dillaacsan tahay. Tan iyo bishii December, laba weerar oo gaari lagu jiirayo dad rayid ah magaalooyin kale ayaa sababay dhimashada siddeed qof. Mannheim waxay horey u ahayd goob uu ka dhacay weerar mindi bishii May ee la soo dhaafay, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, laguna dhaawacay shan kale intii lagu guda jiray mudaaharaad ka dhan ah Islaamka. Boolisku ma aysan sheegan in dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd weerar, balse waxay xaqiijiyeen in eedeysane looga shakisan yahay falka la xiray kadib markii gaariga lagu dhex waday goob wax laga dokaameysto abaare 12:15 duhurnimo (1115 GMT). Afhayeenka booliska, Stefan Wilhelm, ayaa sheegay: “Waxaan xaqiijin karnaa in gaari lagu waday aag loogu talagalay lugayn, waxaana la xaqiijiyay in hal qof dhintay.” Wuxuu intaa ku daray: “Hal qof ayaa loo xiray falka, baaritaankuna waa socda.” Wilhelm ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama boolisku ay wadaan hawlgal ballaaran. Ciidamada ammaanka oo hub culus watay ayaa xannibay goobta, waxaana cirka marayay diyaarado helikobtar ah. Khasaaraha weerarka Wargeyska Bild ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen dhacdada, iyadoo sawirro la baahiyay ay muujinayeen ambalaasyo taagan agagaarka taallada taariikhiga ah ee magaalada. Wariye ka tirsan telefishinka NTV oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in “ugu yaraan hal qof la daboolay maydkiisa” iyo in kabaha carruurta la arkayay iyagoo daadsan goobta shilka ka dhacay. Boolisku waxay ku wargeliyeen dadka deegaanka inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama inta badan goobta la daadgureeyay. Wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Baden-Württemberg ayaa shacabka uga digtay “xaalad halis gelin karta nolosha,” iyadoo farriin ku dirtay app-ka digniinta masiibooyinka. Waaxda daryeelka degdegga ah ee isbitaalka jaamacadda Mannheim ayaa soo saartay heegan caafimaad. Weeraro hore oo rabshado wata Magaalooyinka Jarmalka ayaa horey u arkay weerarro rabshado wata oo ay ka mid yihiin dilal mindi loo adeegsaday iyo gawaari lagu jiirayo dad, kuwaasoo intooda badan lagu eedeeyay dad magangalyo-doon ah. Bishii hore, nin ayaa gaari ku jiiray mudaaharaad ay sameynayeen xubno ka tirsan urur shaqaale oo ka dhacay magaalada Munich, isagoo dilay gabar laba sano jirtay iyo hooyadeed. Bishii December, weerar kale oo gaari lagu jiirayo dad ayaa lagu bartilmaameedsaday suuq Kirismas oo ku yaalla magaalada Magdeburg, halkaasoo lix qof lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay. Mannheim lafteeda waxaa bishii May ee la soo dhaafay ka dhacay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay mudaaharaad ka dhan ah Islaamka, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, shan kalena lagu dhaawacay. Ciidamada ammaanka ayaa feejignaan sare ku jiray maanta, maadaama maalintani ay ahayd xilliga ugu sarreeya ee dabaaldegyada caanka ah ee carnival-ka Jarmalka kahor bilowga Soonka Masiixiyiinta. Wasiirka arrimaha gudaha, Nancy Faeser, ayaa Isniintii – kahor dhacdada Mannheim – sheegtay in dabaaldegyadu ay ka dhacayaan “iyadoo la qaaday tallaabooyin adag oo dhinaca ammaanka ah.” Kumanaan qof ayaa Axaddii isugu soo baxay waddooyinka Mannheim si ay uga qeyb galaan xafladda carnival-ka magaalada. Faeser waxay joojisay booqashadeedii ay ku tegi lahayd dabaaldega Rose Monday ee Cologne si ay u tagto Mannheim. Amniga ayaa sidoo kale ahaa mawduuc muhiim ah oo doorashadii guud ee bishii hore laga dooday, taasoo xisbiga midig-dhexe ee CDU/CSU uu ku guuleystay.The post DEG DEG: Weerar kale oo ka dhacay Jarmalka + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites